
Qaybinta Ajandaha
2025-07-26
Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta yeeshay fadhigii 1aad ee Kalfadhiga 12aad, fadhigan oo uu shirguddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha, Mudane Siciid Mire Faarax (Giirre), ayaa loogu qaybiyay Mudanayaasha Golaha Wakiillada Ajandaha Kalfadhiga 12aad, kaas oo Golaha uu ku hawlgali doono inta lagu jiro muddada kalfadhigan.
