• 634417996

Resolutions

Resolution


Description

Xafiiska Guddoomiyaha - Office of the Speaker

Maanta, fadhigii taariikhiga ahaa ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland waxa si midaysan loo ansixiyay qaraarkan hoos ku xusan:

Goluhu waxa uu si diiran u soo dhawaynayaa una taageerayaa go’aanka Dawladda Israa’iil ee ah in ay aqoonsato madax-bannaanida iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland. Tallaabadan geesinimada leh ee ku salaysan mabda’a waxay astaan u tahay marxalad cusub oo muhiim ah oo dalkayaga u horseedaysa aqoonsi caalami ah, waxayna xaqiijinaysaa sharciyadda himilooyinka dimuqraadiyadeed ee shacabka Somaliland.

Aqoonsigan waxa uu caddeyn u yahay qiimaha aan wadaagno ee dimuqraadiyadda, is-ixtiraamka, iyo rajada ummadaha doonaya inay xaqiijiyaan is-maamul iyo madax-bannaani sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah.

Go’aankan taariikhiga ah, Dawladda Israa’iil waxay mar kale muujisay doorkeedii gaar ahaaneed ee aragtidheer iyo geesinimo ee beesha caalamka, sida ay sameysay 26-kii Juun 1960, markay noqotay dalkii ugu horreeyay ee gacanta saaxiibtinimo iyo aqoonsi diblomaasiyadeed u fidisay Somaliland. Israa’iil waxay xaqiijisay tobanaan sano oo halgan adag, naf-hurnimo, iyo rumaysad ku salaysan caddaaladda oo ay Somaliland ku taagnayd tan iyo 1991.

Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah inay ixtiraamaan xaqa shacabka Somaliland u leeyihiin aqoonsi iyo is-maamul. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dalalka inay raacaan wadada saxda ah ee Israa’iil ay furatay.

Faragelinta arrimaha gudaha ee Somaliland waxay dhaawacaysaa mabda’a sharciga caalamiga ah iyo rabitaanka dimuqraadiyadeed ee muwaadiniinta. Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada inay si wax-ku-ool ah uga qayb qaataan taageerada Somaliland ee ku wajahan aqoonsi, xasillooni, iyo horumar. Somaliland waa tusaale guul ah oo dimuqraadiyadeed oo dunida dhan ay ku dayan karto.

Waxaan sidoo kale hambalyeyn iyo sharaf u diraynaa dhammaan dawladihii iyo hoggaamiyayaashii Somaliland ee soo maray tan iyo 1991, kuwaas oo dadaalkooda, naf-hurnimadooda, iyo hoggaamintooda wanaagsan ay ka dhigeen Somaliland dal xasilloon oo rajada iyo horumarka ka hirgalay gobolka. Aqoonsiga maanta la helay waa miraha dadaalkooda iyo himilada shacabka Somaliland.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar kale xaqiijinaysaa go’aankeeda aan la leexleexan ee ku aaddan ilaalinta sharciga caalamiga ah, qawaaniinta Qaramada Midoobay, iyo xeerarka nabad ku wada noolaanshaha ummadaha. Dawladnimadeennu waxay ku salaysan tahay mabda’a dimuqraadiyadda, xuquuqda aadanaha, ixtiraamka sharciga caalamiga ah, iyo u hoggaansanaanta heerarka caddaaladda iyo sinnaanta ee caalamka.

Sidoo kale, Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si cad u shaacinayaa in qof ama koox kasta oo si toos ah ama si dadban uga soo horjeeda ama carqaladeysa aqoonsiga Somaliland ee ay Israa’iil siisay, loo aqoonsanayo cadow qaran oo ka soo horjeeda danaha iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Ixtiraam iyo saaxiibtinimo joogto ah.

Md Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon)
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL