Si lamid ah Hay’addaha ama Wasaaraddaha Xukuumadda; Qaybta Maamulka Xoghaynta ee Golaha Wakiiladdu waxay Qaab-dhismeed ahaan ka koobantahay Toban (10) Waaxood oo nidaam ahaan hoos taga Xoghayaha Guud, iyadoo mid kasta oo kamid ah Waaxahani ay leedahay Waajibaad qeexan oo u gaar ah, halka ay dhamaantood ka unkameen ama abuurkoodu ku salaysan yahay baahida shaqo ee Golaha Wakiiladda. Sidoo kale, Waaxkasta waxay leedahay Agaasime Waaxeed iyo Madax-qaybeedyo kasii hooseeya, halka dhamaan Xubnaha Shaqaaluhu ay ka kala tirsan yihiin oo hoostagaan Waaxahan ama ku kala astaysan yihiin. Magacyada Waaxaha ay Qaybta Maamulka Golaha Wakiiladdu ka koobantahay, waa sidan soo socota: 1. Waaxda Maamulka Iyo Xisaabaadka. 2. Waaxda Hadal Qoraalka, Shuruucda iyo Daabacaada. 3. Waaxda Warbaahinta, Xidhiidhka Dadweynaha iyo Tiknoolojiga 4. Waaxda Qorsheynta. 5. Waaxda Shaqaalaha. 6. Waaxda Xusuus-Dhowrka iyo Laybareeriga. 7. Waaxda Siyaasadda iyo Cilmi baadhista. 8. Waaxda Hab-maamuuska iyo Amniga. 9. Waaxda Gudiyada iyo Xidhiidhka Gobolada. 10. Waaxda Miisaaniyada.


