
Qaybinta Ajandaha
2025-07-26
Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta yeeshay fadhigii 5aad ee Kalfadhiga 12aad. Fadhigan oo uu shirguddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad, ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Siciid Mire Faarax (Giirre), ayaa waxaa lagu dhaystay; - 1. Asixinta Xubin ka mid ah komishanka Doorashooyinka Qaranka Md. Cabdirisaaq Maxamed Siciid. 2. Ansixinta Xeerka Dakhliga Guud iyo cashuuraha Jamhuuriyadda Somaliland Xeer Lr. 722022.
