
Qaybinta Ajandaha
2025-07-26
Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta yeeshay fadhigii 3aad ee Kalfadhiga 12aad. Fadhigan oo uu shirguddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha, ahna Ku-simaha Guddoomiyaha, Mudane Siciid Mire Faarax (Giirre), ayaa waxaa lagu Ansixiyay Ajandaha Kalfadhiga 12aad ee Goluhu ku shaqayn doono.
