
Qaybinta Ajandaha
2025-07-26
Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta yeeshay fadhigii 9aad ee Kalfadhiga 12aad, kaas oo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Siciid Mire Faarax (Giirre). Ayaa waxaa lagu ansixiyay Xeerka Nidaamka Xukuumadda iyo Hayβadaha Madaxa-bannaan. Sidoo kale waxa warbixin lagaga dhagaystay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Md. Cabdiraxmaan Aadan Bakaal, Qabyo-qoraalka Xeerka Ergooyinka Diblomaasiyadeed.
