Kal-fadhigii 13aad fadhigiisii 8aad ee Golaha Wakiillada ayaa saaka loogu qaybiyay Qabyo Qoraalka Xeerka Warshadaha..
Hargeysa β21β 12β 2025 Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha, Mudane Siciid Mire Faarax (Giire), ayaa maanta shir-guddoomiyay kalfadhigii 13aad, fadhigiisii 8aad ee Golaha Wakiillada. Fadhigaas ayaa Xildhibaannada Golaha loogu qaybiyay Xeerka horumarinta Warshadaha Somaliland, waxaana Mudanayaasha Golaha lagu wargeliyay in ay Xeerka si qoto dheer u akhriyaan, si doodiisu u bilaabato maalinta berri ah hadii alle idmo.
πππππ’π₯πππ‘π’πππππ’πππππ§
Agaasimaha Waaxda Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee
Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland
+252 63 4417996
kaahin@somalilandparliament.net

