๐๐จ๐๐๐๐๐ ๐๐ฅ๐ฅ๐๐ ๐๐๐ ๐๐จ๐๐๐๐ ๐ข๐ข ๐ฆ๐๐ ๐ช๐๐๐๐ฌ ๐ ๐๐๐๐๐ก๐ง๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐จ๐๐๐ก๐ก๐๐๐ ๐๐๐๐ช๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐ ๐๐๐๐จ ๐๐๐๐๐ก๐ค๐๐ฌ๐ก๐๐ฌ๐ข ๐ซ๐๐๐ฅ๐๐ ๐๐๐ก๐ฆ๐๐ฌ๐๐๐๐ ๐ฆ๐ข๐ ๐๐๐๐๐๐ก๐.
๐๐๐ฅ๐๐๐ฌ๐ฆ๐, ๐ฎ๐ฌ ๐ฆ๐๐ฃ๐ง๐๐ ๐๐๐ฅ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ โ Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta yeeshay Fadhigiisii 10aad ee Kalfadhiga 15aad, oo uu shir-guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL, Mudane Siciid Mire Faarax (Giire).
Fadhiga ayaa lagu horgeeyey Mooshinka Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Bangiyada Islaamiga ah, Xeer Lr. 55/2012, oo ay soo gudbiyeen 26 Mudane oo ka tirsan Golaha. Sidoo kale, waxaa cod aqlabiyad ah ayaa lagu ansixiyey laba xubnood oo ka mid noqonaya Guddida Cadaaladda JSL.
Wax-ka-beddelka Xeerkan ayaa muhiim u ah casriyeynta nidaamka maaliyadeed, kobcinta dhaqaalaha iyo fududaynta adeegyada maaliyadeed ee waafaqsan mabaadiโda Bangiyada Islaamiga ah, iyadoo la filayo inuu abuuro nidaam hufan oo kor u qaada fursadaha maalgashi, isla markaana soo jiita maalgashadayaasha caalamiga ah

