๐ ๐ข๐ข๐ฆ๐๐๐ก ๐๐จ ๐ฆ๐๐๐๐ฆ๐๐ก ๐ช๐๐ซ-๐๐-๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ซ๐๐๐ฅ๐๐ ๐๐๐ก๐๐๐ฌ๐๐๐ ๐๐ฆ๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐, ๐ซ๐๐๐ฅ ๐๐ฅ. ๐ฑ๐ฑ/๐ฎ๐ฌ๐ญ๐ฎ..
๐๐๐ฅ๐๐๐ฌ๐ฆ๐, ๐ฎ๐ฒ ๐ฆ๐๐ฃ๐ง๐๐ ๐๐๐ฅ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ โ ๐๐ข๐๐๐๐ ๐ช๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ข๐ข ๐๐ ๐๐ข๐ฅ๐๐๐๐ก๐๐ฌ ๐ช๐๐ซ-๐๐-๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ซ๐๐๐ฅ๐๐ ๐๐๐ก๐๐๐ฌ๐๐๐ ๐๐ฆ๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐, ๐ซ๐๐๐ฅ ๐๐ฅ. ๐ฑ๐ฑ/๐ฎ๐ฌ๐ญ๐ฎ.
Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta la horkeenay Wax-ka-beddelka Xeerka Bangiyada Islaamiga ah, Xeer Lr. 55/2012, kaas oo loogu talagalay in lagu casriyeeyo laguna xoojiyo nidaamka sharciyeed ee Bangiyada Islaamiga ah.
Wax-ka-beddelkan ayaa muhiim u ah horumarinta adeegyada maaliyadeed, kobcinta dhaqaalaha iyo fududaynta maalgelinta, iyadoo la doonayo in la helo nidaam maaliyadeed oo hufan, cad oo waafaqsan mabaadiโda Bangiyada Islaamiga ah.
Sidoo kale, wax-ka-beddelka Xeerku waxa uu gacan ka geysan karaa dhiirrigelinta maalgashiga gudaha iyo kan dibadda, xoojinta kalsoonida hayโadaha maaliyadeed iyo abuurista fursado cusub oo ganacsi iyo maalgelin ah.
Haddii la hirgeliyo, Xeerkan ayaa noqon kara qayb ka mid ah dadaallada lagu horumarinayo nidaamka maaliyadeed iyo jawiga maalgashi ee Somaliland, iyadoo la waafajinayo adeegyada bangiyada baahiyaha dhaqaale ee bulshada iyo ganacsatada.

