Ansixinta Ajandaha kal-fadhiga 14aad ee Golaha Wakiillada Jsl..
Hargeysa – Isniin, 04 May 2026 – Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta yeeshay Fadhigii 2aad ee Kal-fadhiga 14aad, kaas oo ka qabsoomay xarunta Golaha Wakiillada, waxaana shir-guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad, ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha, Mudane Siciid Mire Faarax (Giire).
Fadhigan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray ka doodista, falanqaynta iyo ansixinta ajandaha Kal-fadhiga 14aad ee Golaha Wakiillada, kaasi oo ah qorshaha hagaya shaqooyinka Golaha muddada kal-fadhigan. Sidoo kale Ajandahani waxa uu saldhig u yahay jihaynta hawlaha Golaha, isaga oo si toos ah ula jaanqaadaya duruufaha dalka ka jira, mudnaanta Qaranka iyo baahiyaha bulshada.
Mudanayaasha Golaha ayaa intii uu socday fadhigu si qoto dheer u lafaguray qodobbada ajandaha, iyaga oo ka dooday muhiimada ay leeyihiin, sida ay u kala mudan yihiin, iyo saameynta ay ku yeelan karaan nolosha shacabka iyo horumarka guud ee Qaranka.
Ajandaha Kal-fadhiga 14aad waxa uu ka kooban yahay qodobo waaweyn oo ay ka mid yihiin:
• Xaaladda Guud ee Dalka, oo diiradda lagu saarayo arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo adeegyada bulshada
• Warbixinta Shirguddoonka, oo ku saabsan jihaynta iyo qorshayaasha Golaha
• Warbixinnada Guddiyada, oo la xidhiidha hawlaha kormeerka iyo dabagalka hay’adaha dawladda
• Ansixinta iyo Dib-u-eegista Xeerarka, oo muhiim u ah horumarinta nidaamka sharci ee dalka
• Iyo arrimo kale oo muhiim ah oo mudan in Golahu ka doodo
inta lagu jiro kal-fadhigan Dood iyo falanqayn dheer ka dib, ajandaha Kal-fadhiga 14aad ayaa la ansixiyay, iyadoo lagu meel mariyay cod hal-dheeri ah.
Natiijada codbixinta ayaa u dhacday sidan:
• 43 xildhibaan ayaa fadhiga ka soo xaadiray
• 38 xildhibaan ayaa oggolaaday ajandaha
• Cidi ma diidin
• 4 xildhibaan ayaa ka aamustay
• Guddoomiyuhuna ma uusan codayn, sida caadada ah ee nidaamka Golaha.
Intaa waxa dheer, Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah u aqbalay is-casilaadda Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, kadib markii uu Golaha u soo gudbiyay codsigiisa is-casilaadda.
Tallaabadan ayaa timid kadib markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu dhawaan u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland.
Ugu dambayn, fadhigii maanta ayaa ku soo dhammaaday jawi deggen oo nidaamsan

