DOORASHADA GUDDOOMIYAHA IYO KU-XIGEENKA GUDDIDA ARRIMAHA DIBADA EE GOLAHA WAKIILLADA JSL..
Ka dib isku shaandhayntii uu sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 08-04-2026, Guddida Arrimaha Dibada, Iskaashiga Caalamiga ah, Qorshaynta iyo Maalgashiga ee Golaha Wakiillada JSL ay doorteen hoggaankooda cusub.
Guddidu waxay Guddoomiye u doorteen Mudane Maxamed Xuseen Jaamac (Raanboo), halka ay Guddoomiye Ku-xigeen u doorteen Mudane Guuleed Maxamed Warasame.
Doorashadan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada, Mudane Siciid Mire Faarax (Giire) iyo Xog-haye Ku-xigeenka Golaha Wakiillada, Mr. Jamaal Jaamac Jiir, ayaa si habsami leh uga qabsoontay Xafiiska Guddida Dhaqaalaha.
Doorashadan ayaa qayb ka ah dhammaystirka dib-u-habaynta guddiyada Golaha, iyadoo la filayo in guddida Kale ay dooran doonaan hogaano cusub.

