DOORASHADA GUDDOOMIYAHA IYO KU-XIGEENKA GUDDIDA ARRIMAHA GUDAHA, DIFAACA IYO NABAD-GALYADA EE GOLAHA WAKIILLADA JSL..
Ka dib isku shaandhayntii uu sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 08-04-2026, Guddida Arrimaha Gudaha, Difaaca Iyo Nabad-Galyada ee Golaha Wakiillada JSL ay doorteen hoggaankooda cusub.
Guddidu waxay Guddoomiye u doorteen Mudane Cabdikariin Meecaad Isaaq halka ay Guddoomiye Ku-xigeen u doorteen Mudane Guuleed Maxamed Warsame.
Doorashadan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada, Mudane Siciid Mire Faarax (Giire) iyo Xog-haye Ku-xigeenka Golaha Wakiillada, Mr. Jamaal Jaamac Jiir, ayaa si habsami leh uga qabsoontay Xafiiska Guddida Dhaqaalaha.
Doorashadan ayaa qayb ka ah dhammaystirka dib-u-habaynta guddiyada Golaha, iyadoo la filayo in guddida Kale ay dooran doonaan hogaano cusub

