The leadership of Somaliland’s House of Representatives and members of both Houses hosted a dinner in honor of a Kenyan parliamentary delegation..
Hargeisa Golaha Wakiilada 18-05-2025 Sabti >< Shirguddoonka Golaha Wakiillada Somaliland oo ay weheliyaan Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland (Golaha Wakiillada iyo Golaha Guurtida) ayaa casho sharaf gaar ah u sameeyey wafdi xildhibaanno ah oo ka socday Baarlamaanka dalka Kenya. Wafdigan ayaa socdaal ku yimid caasimadda Hargeisa si ay uga qaybgalaan xuska munaasibadda 18-ka May.
Munaasibaddan casho-sharafta ah oo ka dhacday magaalada Hargeisa ayaa ahayd fursad lagu adkeeyay xidhiidhka iskaashi iyo saaxiibtinimo ee u dhexeeya Baarlamaanka Somaliland iyo dhiggooda Kenya. Sidoo kale, waxaa lagu lafaguray arrimo la xidhiidha horumarinta xidhiidhka labada dhinac iyo iskaashiga mustaqbalka ee dhinacyada sharciga, dimuqraadiyadda iyo horumarka.