kal-fadhiga 15aad ee Golaha Wakiillada jsl..
๐๐๐ฅ๐๐๐ฌ๐ฆ๐, ๐๐ฆ๐ก๐๐๐ก, ๐ฎ๐ด ๐ฆ๐๐ฃ๐ง๐๐ ๐๐๐ฅ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ โ Guddida Garsoorka, Caddaaladda, Shuruucda iyo Xuquuqda Aadamaha ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddida, Md. Cali Xuseen Nuur, ayna ku weheliyaan Xildhibaannada Guddida, ayaa maanta kulan la yeeshay Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Komishanka, Md. Maxamed Baaruud Cali.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xog-waraysi ku saabsan hawlaha iyo shaqooyinka Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka, iyadoo Komishanku Guddida la wadaagay warbixin ku saabsan waxqabadka Komishanka iyo shaqooyinka uu qaranka u hayo.
Intii uu kulanku socday, Xildhibaannada Guddidu waxay Komishanka waydiiyeen suโaalo la xidhiidha hawlihiisa, waajibaadkiisa iyo shaqooyinka uu qaranka u hayo, waxaana Guddoomiyaha iyo xubnaha Komishanku si faahfaahsan uga jawaabeen dhammaan suโaalihii ay Guddidu waydiiyeen.
Guddoomiyaha Guddida ayaa uga mahadceliyey Komishanka kulanka iyo xog-wadaagga ay la yeesheen Guddida, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta hayโadaha qaranka ee ku hawlan ilaalinta caddaaladda, shuruucda iyo xuquuqda aadanaha.
Gabagabadii, labada dhinac waxay isla qaateen in la sii xoojiyo wada-shaqaynta, isku-xidhka iyo iskaashiga u dhexeeya Guddida Garsoorka, Caddaaladda, Shuruucda iyo Xuquuqda Aadamaha iyo Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka, si loo dardargeliyo hawlaha wadajirka ah ee dhinacyada khuseeya.

