πͺππ₯πππππ‘.
Waxa la wargelinayaa dhammaan Mudaneyaasha Golaha Wakiillada JSL in Kal-fadhiga 15aad ee caadiga ah uu si rasmi ah u furmay 05/09/2026, oo ku beegnayd Maalintii Sabtida, saacaddu markay ahayd 8:30 AM (Subaxnimo).
Haddaba, waxa Mudaneyaasha lagu adkaynayaa in ay si joogto ah u gutaan waajibaadkooda shaqo, waqtigana dhowraan, si loo dardargeliyo hawlaha iyo waajibaadka Dastuuriga ah ee Golaha.
ALLAH MAHAD LEH
Cabdirisaaq Siciid Ayaanle
Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada JSL

