Warbixinta Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Jsl.
13-12-2025 | Hargeysa Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u yeeshay Kalfadhigii 13aad, Fadhigiisii 4aad, kaas oo uu hoggaaminayay Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad, Mudane Siciid Mire Faarax (Giire).
Intii uu fadhigu socday, Golaha ayaa dhageystay warbixinta Guddida Joogtada ah, taas oo si gaar ah diiradda u saarnayd hawlaha ay guddidu qabatay muddadii uu Golaha Wakiilladu fasaxa ku jiray. Warbixintan ayaa Golaha u jeediyay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida, Mudane Maxamuud Xayir Ducaale, isagoo faahfaahin ka bixiyay kormeerro, kulammo shaqo, iyo dabagal lagu sameeyay hay’adaha kala duwan.
Fadhigan wuxuu ka mid yahay hawlaha joogtada ah ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuuna muujinayaa ka go’naanshaha Golaha ee hufnaan, isla-xisaabtan, iyo gudashada waajibaadka dastuuriga ah.

