Golaha Wakiilada ayaa kal-fadhigii 13aad fadhigiisii 7aad kaga dooday Xeerka Maaligashaiga..
Hargeysa, 20-12-2025 Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Siciid Mire Faarax (Giire), ayaa maanta shir-guddoomiyay kal-fadhigii 13aad, fadhigiisii 7aad ee Golaha Wakiillada.
Fadhigaas waxa Goluhu si qoto dheer uga dooday Xeerka Maalgashiga, kaas oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland dhawaan wax-ka-beddel iyo kaabis ku sameeyay. Doodda Xildhibaannadu waxay diiradda saartay muhiimadda xeerku u leeyahay horumarinta dhaqaalaha dalka, dhiirrigelinta maalgashiga gudaha iyo kan caalamiga ah, iyo kobcinta fursadaha shaqo-abuurka iyo warshadaynta dalka.

