Mooshin ka wax-ka-beddelka iyo Warbixinta Guddida Joogtada ah..
Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta yeeshay Fadhigii 4aad ee Kal-fadhiga 14aad, oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL, ๐๐ฎ๐๐๐ง๐ ๐๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ง ๐๐๐๐ฃ๐ข ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ข๐ข๐ซ (๐ ๐๐ซ๐๐ญ๐จ๐จ๐ง).
Fadhiga ayaa lagaga hadlay mooshin ku saabsan wax-ka-beddelka Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Xeer Lr. 01/2021, kaas oo ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah Mudanayaasha Golaha.
Mooshinkan oo ay saxeexeen 29 Xildhibaan, ayaa markii la xaadiriyey waxa goob-joog ka ahaa 20 Xildhibaan oo keliya, halka 9 Xildhibaan ay ka maqnaayeen ama ay ka noqdeen mooshinka. Guddoomiyaha Golaha ayaa sheegay in mooshinku aanu helin tiradii loo baahnaa, sidaas darteedna uu jabay.
Sidoo kale, Golaha ayaa dhagaystay warbixinta Guddida Joogtada ah ee Kalfadhigii 13aad, taas oo uu Golaha ka hor jeediyay Guddoomiyaha Guddida Joogtada ah, ๐๐. ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐๐ฒ๐ข๐ซ ๐๐ฎ๐๐๐๐ฅ๐.

