Purpose: waxaa Golaha Warbixin ka jeediyay Wasiirka Wasaarada Maaliyada.
Description:
Hargeysa — 07 December 2025 — Kalfadhigii 13aad, fadhigiisii 2aad, oo uu hoggaaminayay Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad, Mudane Siciid Mire Faarax (Giire), ayaa maanta Golaha lagu soo bandhigay Miisaaniyadda Sannadeedka 2026-ka.
Mudaneyaasha ayaa warbixinta ka dhagaystay Wasiirka Maaliyadda, Mudane Cabdillaahi Xasan Aadan, oo faahfaahiyey:
Qorshaha guud ee Miisaaniyadda
Qaybaha mudnaanta la siiyay
Isbeddellada cusub
Heerarka dakhliga iyo kharashaadka.