DOORASHADA GUDDOOMIYAHA IYO KU-XIGEENKA GUDDIDA HAWLAHA GUUD, TIGNOOLAJIYADDA GURYAYNTA IYO GAADIIDKA EE GOLAHA WAKIILLADA JSL..
Ka dib isku shaandhayntii uu sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 08-04-2026, Guddida Guddida Hawlaha Guud, Tignoolajiyadda Guryaynta iyo Gaadiidka ee Golaha Wakiillada JSL ay doorteen hoggaankooda cusub.
Guddidu waxay Guddoomiye u doorteen Mudane Axmed Xassan Cali (Casoowe), halka ay Guddoomiye Ku-xigeen u doorteen Mudane Jimcaale Axmed Cilmi.
Doorashadan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada, Mudane Siciid Mire Faarax (Giire) iyo Xog-haye Ku-xigeenka Golaha Wakiillada, Mr. Jamaal Jaamac Jiir, ayaa si habsami leh uga qabsoontay Xafiiska Guddida Dhaqaalaha.
Doorashadan ayaa qayb ka ah dhammaystirka dib-u-habaynta guddiyada Golaha, iyadoo la filayo in guddida Kale ay dooran doonaan hogaano cusub.

