In la hirgeliyo nidaam dawladnimo oo dimuqraadi ah, daahfuran, isla xisaabtan leh, oo ilaaliya sharciga kana tarjumaya danta shacabka.
In la dejiyo sharciyo, la kormeero xukuumadda, lagana tarjumo danta shacabka iyada oo loo marayo nidaamka go'aan-qaadashada qaranka.
Baarlamaanka Somaliland waxa uu mas'uul ka yahay dejinta iyo ansixinta sharciyada, kormeerka hawlaha xukuumadda, xaqiijinta isla xisaabtanka qaran, iyo matalaadda codka shacabka. Waxa uu door muhiim ah ka ciyaaraa qaabaynta siyaasadaha qaranka, kor u qaadista caddaaladda, iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiga ah ee dalka