• 634417996

Doorka korjoogtaynta

Dabagalka Baarlamaanka ee Somaliland

Dabagalka baarlamaanka waa mid ka mid ah shaqooyinka aasaasiga ah ee Baarlamaanka Somaliland, taasoo lagula xisaabtamayo xukuumadda si loo hubiyo hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo dawlad wanaagga. Waa hannaan lagu hubinayo in siyaasadaha dawladda, kharashaadka, iyo go'aannada ay waafaqsan yihiin dastuurka iyo danta qaranka.

Hannaanka Dabagalka Baarlamaanka Somaliland

Dib-u-eegista Xeerarka iyo Qiimeynta Siyaasadaha
Baarlamaanka wuxuu dib u eegis ku sameeyaa sharciyada la soo jeediyo ka hor inta aysan noqon sharci rasmi ah. Sidoo kale, wuxuu qiimeeyaa wax ku oolnimada sharciyada jira si loo hubiyo in ay dan u yihiin bulshada. Guddiyada baarlamaanka iyo doodo la xiriira siyaasadaha waxay fursad u siinayaan xildhibaanada inay keenaan wax-ka-beddel sharciyo jira ama ay soo jeediyaan sharci cusub.

Dib-u-eegista Miisaaniyadda iyo La Xisaabtanka Maaliyadeed
Baarlamaanka wuxuu mas'uul ka yahay ansixinta iyo la socodka miisaaniyadda qaranka. Waxaa la hubiyaa in kharashaadka dowladdu uu si sax ah u hirgalayo oo uusan noqon mid musuqmaasuq ama si khaldan loo isticmaalo. Guddiga Xisaabaadka Guud (Public Accounts Committee) iyo guddiyada kale ee baarlamaanka waxay baaraan warbixinnada maaliyadeed iyo xisaabaadka dawladda.

La Xisaabtanka Xukuumadda iyo Su'aal Weydiinta Wasiirada
Wasiirrada iyo mas'uuliyiinta sare ee dawladda waxaa lagala xisaabtamaa siyaasadaha iyo barnaamijyada ay hirgeliyaan. Baarlamaanka wuxuu fursad u helaa inuu wasiirrada su'aalo ka weydiiyo arrimaha ay mas'uulka ka yihiin, taasoo kor u qaadaysa isla xisaabtanka iyo hufnaanta maamulka dawladda.

Guddiyada Baarlamaanka iyo Baaritaanada Gaarka ah
Baarlamaanka wuxuu awood u leeyahay in uu sameeyo guddiyo baaritaan oo baara arrimaha la xiriira musuqmaasuqa, xadgudubyada xuquuqda aadanaha, ama fashilka xukuumadeed. Baaritaanadaasi waxay gacan ka geystaan in la helo xisaabtan dhab ah oo lagula xisaabtamo hay’adaha dawladda.

Dib-u-eegista Amniga Qaranka iyo Xiriirka Dibadda
Baarlamaanka wuxuu door ku leeyahay dejinta siyaasadaha la xiriira amniga qaranka iyo xiriirka dibadda. Waxa uu dib u eegi karaa heshiisyada Somaliland ay la gasho waddamada kale ama hay'adaha caalamiga ah, si loo hubiyo in ay waafaqsan yihiin sharciga iyo danaha qaranka.

Ka Qaybgalka Dadweynaha iyo Matalaadda Bulshada
Xildhibaanada waxay metelaan shacabka, waxayna u gudbiyaan baarlamaanka cabashooyinka iyo talooyinka bulshada. Iyadoo la adeegsanayo dhageysiga dadweynaha, codsiyada rasmi ah, iyo iskaashiga ururada bulshada, Baarlamaanka wuxuu xaqiijiyaa in codka shacabka la maqlo.

CaQabado Hortaagan Dabagalka Baarlamaanka

Inkasta oo dabagalka baarlamaanku muhiim yahay, haddana waxa uu la kulmaa caqabado dhowr ah:

  • Khayraad xaddidan: Baarlamaanku mararka qaar ma haysto kheyraad ku filan si uu dabagal u sameeyo.
  • Saameynta Xukuumadda: Xukuumaddu waxay mararka qaar yeelan kartaa saameyn ay ku xakamayso madaxbannaanida baarlamaanka.
  • Daciifnimada Hirgelinta Talada Baarlamaanka: In kasta oo baarlamaanku uu tilmaamo khaladaadka xukuumadda, haddana mararka qaar talooyinkiisa lama hirgeliyo.

Gabagabo

Dabagalka baarlamaanka waa xudunta dawlad wanaagga iyo xisaabtanka Somaliland. Horumarinta hababka dabagalka, xoojinta awoodda hay’adda sharci dejinta, iyo ka qaybgalinta shacabka waxay sare u qaadaysaa doorka Baarlamaanka ee kor u qaadaya dimuqraadiyadda iyo sharciyeynta Somaliland.