Warbixinta Shirgudoonka Golaha Wakiillada Jsl..
Hargeysa | 08-12-2025 Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u yeeshay Kalfadhigii 13aad, Fadhigiisii 3aad, kaas oo diiradda lagu saaray dhageysiga warbixinta Shir-guddoonka Golaha.
Warbixintan ayaa Golaha u akhriyay Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, isagoo faahfaahin ka bixiyay hawlaha shaqo ee Shir-guddoonka, habsami-u-socodka fadhiyada Golaha, iyo arrimaha mudnaanta u leh Kalfadhiga 13aad.

