KULAN ππππ¨ πππππ‘π€ππ¬π‘ππ¬π’ π«πππ₯ππ πππ‘π¦ππ¬ππππ π¦π’π ππππππ‘π. (Xeer Lr. 22/2002)..
ππ¨πππππ ππ₯π₯ππ πππ ππ¨ππππ π’π’ ππππ-ππ¨π₯π§ππ¬ ππ¨πππ‘ ππππͺππ¬π‘π π’π’ ππππ¨ πππππ‘π€ππ¬π‘ππ¬π’ π«πππ₯ππ πππ‘π¦ππ¬ππππ π¦π’π ππππππ‘π. Hargeisa 09-02-2026 Guddida Arrimaha Gudaha, Amniga & Difaaca ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta qabatay kulan dadweyne oo ballaadhan, kaas oo diiradda lagu saaray falanqaynta iyo dib-u-eegista Xeerka Jinsiyadda Somaliland (Xeer Lr. 22/2002). Kulankan oo ka dhacay Xarunta Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxaa ka soo qaybgalay ururrada bulshada rayidka ah, aqoonyahanno, iyo wakiillo ka socday hayβado kala duwan, kuwaas oo talooyin iyo aragtiyo wax-ku-ool ah ka dhiibtay qodobbada xeerka. Kulanka waxaa si rasmi ah u daah-furay Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Gudaha, Mudane Aadan Cismaan Xarbi, kaas oo hadal soo-dhaweyn ah u jeediyay ka-qaybgalayaasha, isla markaana faahfaahiyay ujeeddada kulanka iyo muhiimadda ay leedahay in xeerka jinsiyaddu la jaanqaado duruufaha bulshada iyo isbeddellada taagan. Guddoomiyuhu waxa uu carrabka ku adkeeyay in dood-wadaag furan iyo ka-qaybgal ballaadhan ay saldhig u yihiin soo saarista xeer waxtar u leh muwaadiniinta, isla markaana ilaaliya danaha qaranka. Sidoo kale, Guddidu waxay shaacisay in kulankani uu sii socon doono maalmaha soo socda, iyadoo lagu martiqaadi doono Hayβadaha Dawladda, Xisbiyada Qaranka, Culimada, Madaxda Dhaqanka iyo Dhinacyada kale ee ay khusayso, si loo helo aragti mideysan oo dhammaystiran oo lagu horumarinayo Xeerka Jinsiyadda Somaliland. Ugu dambayn, Guddida Arrimaha Gudaha ayaa muujisay sida ay uga goβan tahay in talooyinka iyo aragtiyada laga soo jeediyo kulankan loo adeegsado diyaarinta xeer ah, Caddaalad ah, kana tarjumaya baahiyaha bulshada Somaliland.

