Ansixinta Ajandaha kal-fadhiga 13aad ee Golaha Wakiillada,.
Hargeisa 03-12-2025 Guddida Hawlaha Golaha (Business Committee) ayaa maanta kulan ku yeeshay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, kaas oo lagu gorfaynayay diyaarinta ajandaha Kal-fadhiga 13aad.
Kulankan oo uu Guuddoominayay gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Md. Siciid Mire Faarax (Giire) ayaa diiradda lagu saaray diyaarinta qorshaha hawleedka shaqo ee kal-fadhiga 13aad ka koobnaan doono.
Guddidu waxay falanqaysay waxyaabaha Ajandaha soo galaya iyo sidii loogu kala hormarin lahaa Mashaariicda sharci siday u kala hor diyaarsan yihiin, unna kala muhiimsan yihiin, sida Xeerarka diyaarka u ah in laga dooddo, xeerarka Xukuumadu mudnaanta kowaad siinayso, xeerarka guddiyadu gacanta ku hayaan iyo kuwa ka soo noqday Golayaasha, si kal-fadhigan Goluhu u ansixiyo.
Ugu dambayn, Guddidu waxay cod gacantaag ah ku ansixiyeen in qabyo-qoraalka Ajandaha kal-fadhiga 13aad iyada oo laguna saleeyay falaqaynta kulankan lana horgayn doono Golewaynahu marka uu furmo.
?????????? ????? ?????
Agaasimaha Waaxda Warbaahinta, Xidhiidhka Dadweynaha iyo Tignoolajiyada
Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland
+252 63 4417996
kaahin@somalilandparliament.net

