Warbixinta Xeerarka kala ah Xeerka Maalgashiga iyo Xeerka Warshadaha JSl..
Hargeysa, 15-12-2025 Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Siciid Mire Faarax (Giire), oo maanta shir-guddoomiyay kal-fadhigii 13aad, fadhigiisii 6aad ee Golaha Wakiillada.
Fadhigaas waxa Golahu Warbixin faahfaahsan kaga dhagaystay Guddida Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, taas oo ku saabsanayd labada xeer ee kala ah Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Maalgashiga iyo Qabyo-qoraalka Xeerka Warshadaha. Warbixintu waxay si qoto dheer u iftiimisay muhiimadda ay xeerarkani u leeyihiin horumarinta dhaqaalaha dalka, dhiirrigelinta maalgashiga gudaha iyo kan caalamiga ah, iyo kobcinta warshadaha dalka.
Warbixintaas waxa Golaha ka horjeediyay Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Xassan Siciid, oo faahfaahin ka bixiyay ujeeddooyinka xeerarka, saameynta ay ku yeelanayaan iskaashiga caalamiga ah, iyo doorka ay ku leeyihiin soo jiidashada maalgashadayaasha shisheeye. Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida, Mudane Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), ayaa isna ka hadlay qodobbo muhiim ah oo la xidhiidha dabagalka heshiisyada caalamiga ah, horumarinta warshadaha, iyo baahida loo qabo in la xoojiyo wada-shaqaynta hay’adaha dawladda ee khuseeya.
Ugu dambayn, guddoomiye Siciid waxa uu mudanayaasha u sheegay in xeerarkan laga doodi doono maalmaha soo socda, ka hor inta aanu Guddoomiyuhu soo xidhin fadhiga Golaha.
?????????? ????? ?????
Agaasimaha Waaxda Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee
Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland
+252 63 4417996
kaahin@somalilandparliament.net

