๐๐๐ฅ๐๐๐ฌ๐ฆ๐, ๐ญ๐ฐ ๐๐๐๐ฅ๐จ๐๐ฅ๐ฌ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ ๐๐จ๐๐๐๐๐ ๐๐๐ช๐๐๐๐ ๐๐จ๐จ๐ ๐๐ ๐๐ข๐๐๐๐ ๐ช๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ฆ๐ ๐ข๐ข ๐๐จ๐๐๐ก ๐ฆ๐๐๐ค๐ข ๐จ๐๐จ ๐ฌ๐๐๐๐๐๐ฌ ๐ช๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐๐ ๐ช๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐๐ช๐๐๐๐ ๐๐จ๐จ๐, ๐๐๐จ๐๐๐ ๐๐ฌ๐ข ๐๐จ๐ฅ๐ฌ๐๐ฌ๐ก๐ง๐.
Hargeysa 14 February 2026 Guddida Hawlaha Guud, Gaadiidka, Guryaynta iyo Tignoolajiyadda ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta kulan shaqo la yeelatay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryaynta ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulankan oo ka qabsoomay xarunta Golaha Wakiillada, isla markaana uu guddoominayay Guddoomiyaha Guddida Mudane Aamin Saleebaan Jaamac (Amin Saleeban Kulul), ayaa dhinaca Wasaaradda waxaa ka socday Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryaynta Mudane Xuseen Axmed Caydiid.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd dabagalka iyo qiimaynta hawlaha shaqo ee Wasaaradda, gaar ahaan shaqada ay wasaaradu hayso qaranka.
Wasiirka ayaa Guddida si faahfaahsan uga warbixiyay waxqabadka Wasaaradda, heerka ay marayaan mashaariicda socda, qorshayaasha mustaqbalka dhow, iyo caqabadaha jira ee u baahan iskaashi sharci iyo mid miisaaniyadeedba. Mudanayaasha Guddida ayaa suโaalo iyo tallooyin wax-ku-ool ah ka dhiibtay warbixinta, iyaga oo adkeeyay doorka Golaha Wakiilladu ku leeyahay kor-joogtaynta iyo dardar-gelinta hawlaha qaranka.
Gabagabadii, kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan xoojinta wada-shaqaynta u dhexaysa Guddida iyo Wasaaradda, si loo hubiyo hufnaan, isla-xisaabtan iyo dardargelin ku aaddan fulinta waajibaadka qaranka ee la xidhiidha hawlaha guud, dhulka iyo guryaynta.
Allaa Mahad Leh.

