GUDDIDA ARRIMAHA BULSHADA IYO WASIIR KU-XIGEENKA CAAFIMAADKA OO KA WADA HADLAY DHAMMAYSTIRKA XEERKA CAAFIMAADKA.
Hargeysa 04-04-2026 – Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan la yeeshay Marwo Samsam Maxamed Saalax, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, kaas oo diiradda lagu saaray dhammaystirka iyo dardargelinta Xeerka Caafimaadka Qaranka oo ay guddidu diyaarisay.
Kulankan oo uu hoggaaminayay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida Arrimaha Bulshada Mudane Axmed Cabdi Ducaale (Walhad), isla markaana ay ku wehelinayeen xubnaha guddidu, ayaa ahaa mid wada-tashi iyo falanqayn qoto dheer leh, laguna lafa-guray qodobbada Xeerka Caafimaadka iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Marwo Samsam Maxamed Saalax ayaa dhankeeda soo dhaweysay dadaalka ay guddidu gelisay diyaarinta xeerkan, iyadoo xustay inay si dhow ula socotay marxaladihii uu xeerku soo maray, isla markaana ay maanta muhiim tahay in si wadajir ah loo dhammaystiro. Waxay sidoo kale tilmaantay in Wasaaraddu diyaar u tahay wada-shaqayn dhow si loo hubiyo in xeerkani noqdo mid dhaqan-gal ah oo wax ku ool u noqda horumarinta nidaamka caafimaadka dalka.
Intii uu kulanku socday, labada dhinac ayaa is-weydaarsaday aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah oo lagu xoojinayo qodobbada xeerka, si loo hubiyo in uu si buuxda uga jawaabo baahiyaha bulshada, una suurtageliyo helitaanka adeeg caafimaad oo tayo leh, la isku halayn karo, isla markaana si siman loo wada gaadho.
Ugu dambayn, waxaa la isku raacay in la dardargeliyo dhammaystirka Xeerka Caafimaadka Qaranka, isla markaana loo gudbiyo marxaladaha Xeer-dejinta ee xiga si uu u helo Ansixinta Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

