ππ¨πππππ ππ₯π₯ππ πππ ππ¨ππππ π’π’ π¦ππ πͺππππ¬ ππ¨πππ‘π‘πππ π«πππ₯ππ πππ‘π¦ππ¬ππππ.
Hargeysa β Salaasa, 10 February 2026 Guddida Arrimaha Gudaha, Amniga & Difaaca ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maalintii labaad sii waday kulamada dadweyne, kuwaas oo diiradda lagu saaray falanqaynta iyo dib-u-eegista Xeerka Jinsiyadda Somaliland (Xeer Lr. 22/2002).
Kulanka waxaa daah-furay Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Gudaha, Mudane Aadan Cismaan Xarbi, kaas oo hadal soo-dhaweyn ah u jeediyay ka-qaybgalayaasha, isla markaana faahfaahiyay ujeeddada kulanka iyo muhiimadda ay leedahay in Xeerka Jinsiyaddu la jaanqaado duruufaha bulshada iyo isbeddellada taagan.
Kulankan oo ka dhacay Xarunta Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxaa ka soo qaybgalay qaar ka mid ah Hayβadaha Dawladda, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Arrimaha Bulshada, Wasaaradda Dib-u-Dejinta, Komishanka Xuquuqal Insaanka, Wasaaradda Cadaaladda, Dawladda Hoose ee Hargeysa Maxkamadda Degmada Hargeysa iyo Ciidanka Socdaalka iyo Ilaalada Xuduudaha Jsl.
Hayβadahaasi waxa ay soo bandhigeen talooyin iyo aragtiyo muhiim ah oo la xidhiidha qodobbada xeerka iyo fulintiisa.
Guddoomiyuhu waxa uu carrabka ku adkeeyay in kulammo is-daba-joog ah, dood-wadaag furan, iyo la-tashiga Dadweynaha iyo Hayβaddaha ku shaqalada lihi, ay saldhig u yihiin soo saarista xeer dhammaystiran, caddaalad ah, isla markaana ilaaliya danaha qaranka.
Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in kulamada lagu falanqaynayo Xeerka Jinsiyadda ay sii socon doonaan.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Gudaha, Amniga & Difaaca ayaa sheegay in talooyinka iyo aragtiyada laga helay kulamadan loo adeegsandoono diyaarinta Xeerka.
ALLAA MAHAD LEH.

