kal-fadhaiga 15aad ee Golaha wakiillada jsl.
HARGEYSA, 20 SEPTEMBER 2026 โ Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta yeeshay Fadhigiisii 8aad ee Kalfadhiga 15aad, kaas oo uu shir-guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL, Mudane Siciid Mire Faarax (Giire).
Ugu horrayn, Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha ayaa Mudanayaasha u sheegay ajandaha fadhiga, isaga oo xusay in Golaha loo akhriyi doono jawaab-celinta Mooshinnada kala ah Mooshinka Xeerka Shirkadaha Somaliland, Xeer Lr. 80/2018, iyo Mooshinka Xeerka Waxbarashada Qaranka Somaliland, Xeer Lr. 77/2018.
Jawaab-celinta labada Mooshin ayaa waxa Golaha u akhriyay La-taliyaha dhinaca Sharciga ee Golaha Wakiillada, Garyaqaan Khadar Maxamed Axmed, isaga oo Mudanayaasha u soo bandhigay aragtida iyo jawaab-celinta dhinaca sharciga ah ee ku saabsan Mooshinnadaasi. La-taliyaha Sharciga ayaa sheegay in, marka la eego qodobbada Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, labada Mooshin ay waafaqsan yihiin Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha, isla markaana ay buuxinayaan shuruudaha sharciga ah ee Mooshinnada Golaha.
Sidoo kale, fadhiga ayaa lagu soo bandhigay warbixinta Guddida Arrimaha Gudaha, Nabgelyada iyo Difaaca, taas oo ku saabsan hawlaha iyo shaqooyinka ay guddidu qabatay muddadii uu Goluhu fasaxa ku jiray, iyo arrimaha ay guddidu gacanta ku hayso. Warbixinta ayaa waxa Golaha u jeediyay Guddoomiyaha Guddida, Mudane Cabdikariin Meecaan Isaaq.
๐๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐.
๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐
๐๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐๐๐ฑ๐๐ ๐๐๐ซ๐๐๐๐ก๐ข๐ง๐ญ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐ ๐๐๐๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐
๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐
Email: kaahin@somalilandparliament.net
Email: info@somalilandparliament.net
Website: www.somalilandparliament.net

