Home Blog Page 5

Golaha Wakiilada JSL ayaa maanta Gudida joogtada ah ka dhegaystay warbixintii Kalfadhiga 43aad

Hargeysa(SLP) 28 Nov 2020 fadhigiii 3aad ee kalfadhiga 44aad ee golaha Wakiilada jSL oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha Golaha Md Baashe Maxamed Faarax ayaa Gudida joogtada ah ee golaha waxa lagaga dhegeystay warbixintii Fasaxa kalfadhiga 43aad.

Warbizintan oo uu golaha u soo jeediyey Xildhiban Axmed Barkhad Obsiiyeoo ka tirsan gudida Halkan hoose ka daawo

Gudida joogtada ah ee Golaha Wakiilada oo Togdheer ku jooga kormeer iyo waxa uga soo baxay

0

Burco (SL-P ) 19 Nov 2020 Gudida Joogtada iyo Anshaxa ee Golaha wakiilada JSL oo kormeer shaqo iyo qiimayn Xaaladaha deegaanadu ku sugan yihiin ku jooga Gobolka togdheer ayaa Maanþa kulan la qaatay Badhasaabka Gobolka Togdheer iyo Maayarka Magaalada Burco.

Kulankan ayay warbixino faahfaahsan gudidu kaga dhegeysteen labada Masuul.

Ugu horayn Gudoomiye kuxigeenka gudida Joogtada ah ahna kusimaha Gudoomiyaha Mudane Axmed Ducaale Bulaale ayaa u sheegay Maamulka Gobolka inay u socdaan sidii ay xaalada gobolka xog uga heli lahaayeen ku saabsan, Nabadgelyada Guud, Hawlaha u diyaar garowga Diiwaan gelinta Codbixiyayaasha iyo sida Xaalada abaaruhu tahay.

Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd (Daljir) iyo Maayor Maxamed Muraad ayaa si faahfaahsan gudida ugaga waramay Mawduucyadaas.

Badhasaabka iyo Duqa Magaalada Burco ayaa aad uga dayriyey Xaalada abaaraha gobolku halka ay marayaan waxa ay Gudida u sheegeen in laba maalmood ka hor ay soo mareen deegaanada Hawdka ilaa xuduudka Ethiopia iyo Somaliland oo ay sheegeen inay ka jirto Xaalad abaaro dhamaystiran oo biyo iyo baad midna aanay jirin. Waxa ay sheegeen inay dadkii deegaanada gobolka Togdheer ay u hayaameen deegaanada Somalida Ethiopia ee durugsan oo ay gaadheen deegaano aanay hore u gaadhi jirin, tuulo walibana ay haawanayso oo 10 qof waxaan ahayni ay tuulooyinkii joogaan.

Waxa ay labada Masuul sheegeen wadada Balidhiig ilaa Burco aanay haba yaraatee dad ku arag oo zoolo bakhtiyey oo toban toban wadada hareerahooda u yaala oo gawaadhidii lagu rarayay laga daadiyey waxaan ahayn aanay soo arag.

Waxa ay aad ula yaabeen waxa ka mid ah iyafoo ay balidhiig oo ah deegaanada hawdka ugu baraagaha badan ay ka waayeen biyo ay ku waysaystaan taas oo walaac aanay hore u qabin ku abuurtay.

Badhasaab Daljir iyo Muraad ayaa gudida si adag ugu sheegay in dadkii gobolka togdheer ay 45% ay ka maqan yihiin oo ay noloshooda iyo xoolahooda la tacaalayaan sidii ay nolol ugu heli lahaayeen oo Maantana aanay ka suuro gelaynin Isdiiwaan gelin.

Waxa sidoo kale ay uga xaalwarameen wefti Ethiopian ah oo ay kulan nabad gelyada ku saabsan wiigan Burco ku wada qaateen muhiimada shirkooduna ahaa sidii looga wada shaqayn lahaa wada shaqaynta amaanka iyo sidii dadkaas u hayaamay iyo isu socodka dad iyo gaadiid ee labada gobol ee Jarar iyo Togdheer loo xoojin lahaa si wanaagsana waxa laysula qaatay goaamo 8 ah.

Gudida ayaa uga mahadnaqday Badhasaabka iyo Mayorka sida wanaagsan ee ay u qaabileen xogahana ula wadaageen kana balan qaaday inay golaha hor geyn doonaan warbixina ka soo saari doonaan in sha allaahu.

Gudida ayaa sidoo kale waxa ay kormeer ku soo mareen Dhulka Naaxinta Xoolaha ee AROORI.
Waxaanay warbixin ka dhegeysteen Isu duwaha Wasaarada Xanaanada xoolaha ee Gobolka togdheer.

Gudoomiyaha Golaha wakiilada oo kulan la yeeshay Madaxa UNDP ee Somaliland iyo Somalia

Hargeysa(SL-Parliament) Isniin 26 October 2020 Gudoomiyaha Golaha wakiilada JSL Mudaane Baashe Maxamed Faarax ayaa maanta kulan la yeeshay Wakiilka Somaliland iyo Somalia ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta Mashaariicda UNDP Mr. Jocelyn Mason.

Kulankan ayaa wakiilka waxa ku wehelinayay Saraakiil ka socotay Xafiiska UNDP ee Somaliland oo kala ahaa Mascuud iyo Samiiraiyo sidoo kale Kusimaaha Xoghayaha guud ee Golaha ahna Xoghaye kuxigeenka Jamaal Jaamac Xasan iyo Lataliyaha Golaha ee Arimaha Debeda Cabdirisaaq Ibrahim Maxamed

Kulanka ayay labada dhinac iskaga xog waraysteen wadashaqaynta Hay’adda UNDP iyo golaha iyo sidii kor loogu sii qaadi lahaaba .

Gudoomiye Baashe ayaa uga xaal waramay sida doorashadii goluhu kaabiga u soo saran tahay iyo inay jecel yihiin inay sideeda ku qabsoonto iyadoo uu u sheegay in Dawlada Somaliland bixin doonto dhaqaalaha ku baxaya haddii beesha caalamku gacan ka geysan weydo.

Waxa uu ku booriyey Hay’adda UNDP inay la sii shaqayso oo sidii ay iyaga ula shaqeeyeen Golayaasha cusub ee yimaada ay xoojiyaan sidii ay shaqadooda u qabsan lahaayeen isagoo una rajeeyey in ay Haween badani soo geli doonaan oo aanu goluhu ka maarmaynin UNDP na uu usoo jeedinayo inay gacan ka geystaan sidii haweenka garab loo siin lahaa si ay uga mid noqdaan golayaasha sharci dejinta.

Gudoomiye Baashe ayaa Ku canaantaay wakiilka inay Xaga Koonfurta ku mashquuleen oo mudooyinkii u danbeeyey aanay Somaliland xoog u danaynaynin ee ay jecel yihiin inay kuwa wax qabsaday indhaha aanay ka lalinin oo ay xagan Somaliland u soo jeestaan.

Wakiilka ayaa Somaliland ku bogaadiyey sida ay mar walba uga goan tahay una qabsadaan doorashooyin dimuqraadi ah isla markaana yagleelay nidaam Dawladnimo oo cago adag ku taagan dalkoodana xasilooni taama ka abuuray, waxa uu gudoomiyaha ku bogaadiyey sida uu faahfaahinta dheer uga siiyey hawlihii ay u socdeen, sanadka danbena rajaynayo in doorasho dhacdo goleyaal cusub lagu soo doorto.

Waxa uu wakiilku ka cudur daartay in ay jirto dhaqaale yaraan guud oo waqtiga iyo xaaladaha lagu jiraa keeneen taasina ay keentay inay waxqabadkoodii Somaliland koobaan waxaanu balan qaaday inay si xoogan ula shaqayn doonaaan golayaasha yimaada iyo kan hadda joogaba inta u hadhsan.

Saleebaan Cabdisitaar Dubad (Samataliye)
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Golaha Wakiilada JSL

Wefti Baarlamaanka somaliland ka socda oo Kampala gaadhay

0

Hargeysa ( SL-Parliament) 20 October 2020 Wefti ka Socda Baarlamaanka Somaliland oo uu hogaaminayo Gudoomiye kuxigeenka 1aad Mudane Axmed-Yaasiin Sh. Cali Ayaanle ayaa gaadhay Caasimada Dalka Uganda ee Kampala. Waxaana Weftiga ka mid ah oo kale
Gudoomiyaha Gudida arimaha debeda Axmed Cabdi Kijaandhe, Gudoomiyaha Gudida deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah Maxamed X Yuusuf Waabeeyo, gudoomiye ku xigeenka Gudida Arimaha Debeda Cabdicasiis Ismaaciil Ducaale iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada Md. Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

Weftiga ayaa ka qayb geli doona kulamo muhiim ah oo siyaasadeed iyo Xaflado si gaara loogu martiqaaday.

Xafiiska warbaahinta iyo xidhiidhka Dadweynaha ee Golaha Wakiilada JSL

Golaha Wakiilada oo Ansixiyey Xeerka Doorashooyinka Fasaxna Galay

0

Fadhigii Maanta 27 Sep 2020 ee Golaha Wakiilada JSL oo uu shir gudoominayay Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Mudane Axmed-Yaasiin Sh. Cali Ayaanle ayaa qodob qodob ugu codeeyey Xeerka Doorashooyinka qaranka.

Xeerka ayaa qodobo dhawr ah wax lagaga bedelay oo ay ka mid yihiin.

  1. Soo jeedintii madaxweynaha ee Kootada dumarka iyo dadka laga tirada badan yahay oo laga saaray
  2. Da’da musharixiinta golayaasha deegaanka oo hore u ahaa 25 jir imikana laga dhigay 30 jir.
  3. In da’da dadka codaynayaa ay ugu yaraato 15 sano jir.
  4. Waxa wax laga bedelay lacagihii iyo hantida musharixiinta golayaasha dadka isu sharaxaya.
  5. Waxa la laalay in habkii is xambaarka ee deegaano ka mida gobolada bariga lagaga soo bixi jiray oo la joojiyey meeshana laga saaray.
  6. Waxa mar kale loo codeeyey oo lagu ansixiyey in saamiga kuraasida goboladu ahaadaan sidoodii hore

Sidoo kale waxa wax laga bedelay qodobo badan oo xeerka ku jira kuwaas oo goluhu u arkay inay wanaajinayaan qabsoomida doorasho waqtigeedii ku qabsoonta.

Gudoomiye Axmed-Yaasiin ayaa markii codayntu dhamaatay xeerkana la ansixiyey waxa uu ku dhawaaqay in goluhu galay fasixiisii caadiga ahaa oo noqon doona 45 maalmood

Shirgudoonka Golaha Wakiilada Somaliland Oo Kulan La Qaatey Safiir Ku Xigeenka Wadanka #Taiwan

Hargeysa (SL-Parliament) Arbaca 26 August 2020 Guoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Mudane Baashe Maxamed Faarax Oo Ay Weheliyaan Gudoomiye Ku Xigeenka Kowaad Ee Golaha Wakiilada Somaliland Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, Gudoomiyaha Gudi hoosaadka Arimaha Dibeda Ee Golaha Wakiilada mudane Axmed Cabdi Kijaandhe, Gudomiye Ku Xigeenka Gudida Arimaha Dibeda Ee Golaha Wakiilada mudane Cabdicasiis Ismaaciil Ducaale Iyo Xoghayaha Guud Ee Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle Ayaa Kulan La Qaatey Safiir Ku Xigeenka Wadanka Taywaan U Fadhiya Somaliland Mr Nabil Chen-Chi Wu .

Kulanka Oo Saacado Badan Qaatey Waxa Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Uu Safiir Ku Xigeenka Wadanka Taywaan Mr Wu U Sharaxay Horumarka Baaxada Leh Ee Somaliland Ka Hano Qaadey Sodonkii Sano Ee U Danbeeyey isla markaana uga xog waramay sida dalka Taiwan ay uga goan tahay inay u xoojiyaan xidhiidhka ay somaliland la sameeyeen.
Sidoo kale waxa uu safiirku Sheegay Inuu Si Weyn Ula Dhacsan Yahay Horumarka ,Nabada Iyo Dimuqraadiyada Qaan Gaadhka Ah Ee Somaliland Ku Naaloonayso Isagoona Sheegay In Wadamo Badan Oo Aqoonsi Buuxa Haysta Ay Somaliland Ka Horumarsan Tahay.

Gudoomiyaha Golaha wakiilada Baashe Maxames Faarax ayaa guud ahaan dalka warbixin ka siiyey Isla markaana Ku Dheeraadey Kaalinta Aan la Dhayalsan Karin Ee Somaliland Kaga Jirto Nabada Iyo Xasiloonida Gobolka .
Dhanka Kale Waxa Gudoomiye Baashe Uu Safiir Ku Xigeenka Wadanka Taywaan Mr Nabil Chen-Chi Wu uu u Sharaxay Maraaxilkii Kala Duwanaa Ee Golaha Wakiilada Somaliland Soo Maray Iyo Weliba Doorka Aqalka Baarlamanka Somaliland Ku Leeyahay Horumarka Qaranka .

Kulankaasina waxa uu ku soo dhamaaday si qurux badan oo is faham dheeraad ah lagu abiuray.

Xeerka shaqaalaha Rayidka ah oo wax ka bedel iyo kaabis lagu samaynayo

Gudida Arimaha Bulshada oo kulan wadatashi ah u qabtay wax ka bedelka iyo kaabista xeerka Shaqaalaha Rayidka ah.

Kulankan wadatashiga ah oo ay gudi hoosaadka Arimaha Bulshadu u qabatay Xeerka shaqaalaha Rayidka ah Socdayna laba maalmood ayaa maanta lagu soo gabagabeeyey Huteel Fish and Steak ee magaalada Hargeysa.

Kulankan ayaa waxa ka soo qayb galay shirkadaha waaweyn, Ururada iyo hay’aad dawladeed iyo qaar maxali ah.

Kulankan ayaa waxa maalintii shalay furay wasiirka wasaarada Arimaha bulshada Qoyska iyo shaqogelinta Marwo Hinda Jaamac Gaani oo ka warantay marxaladihii kala duwanaa ee xeerkani soo maray iyo wax ka bedelka ay golaha u soo gudbiyeen sababaha keenay.

Wasiirada ayaa Golahana ka codsatay inay ansixiyaan bulshadana u soo jeesisay inay wixii sixis ah ku sii sameeyaan.

Gudoomiyaha Gudida Arimaha Bulshada ee Golaha wakiilada Mudane Cabdiraxmaan Cismaan Caalin ayaa isaguna furitaankii kulanka u faahfaahiyey ka soo qayb galayaasha, isagoo tilmaamay ka Baarlamaan ahaan inay marwalba bulshada kala tashadaan xeerarka ay samaynayaan maadaama ay wakiil bulshada ka yihiin.
Gudoomiye Cabdiraxman dheere ayaa ka qayb gelayaasha ku booriyey inay ka qayb qaataan xeerka si xeer ina anfaca mustaqbalku inoogu soo wada baxo.

Lataliyaha Shuruucda ee Golaha wakiilada Garyaqaan Cabdiraxmaan Hirad Jaamac ayaa isaguna xeerka faahfaahin dheeraada ka bixiyey isla markaana qodob qodob ugu sharaxay.

Kulanka oo maanta iyo shalay soconayey ayay ka qayb gelayaashu si mug leh uga qayb qaateen soona jeediyeen wax ka bedel, sixis, kaabis iyo khibrado dheeraada taas oo muujisay faham ka badan halkii markii hore xeerku taagnaa.

Kulanka ayaa maanta la soo gebagebeeyey waxaana xidhitaankiisii ka soo qayb galayaasha u mahad celiyey Gudoomiyaha Gudida Arimaha Bulshada ee Golaha wakiilada Md Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo sheegay in ay sii wadi doonaan wadatashiyada bulshada kala duwan si Golaha ay u hor geeyaan xeer saxar tiran oo cid walba xaqeeda iyo xuquuqdeeda siiso.

Waxa uu gudoomiyuhu sheegay in intii uu kulan iyo xeerar qabanayay aanu arag mid ka midho dhalsanaa kana waxtar iyo contribution badnaa kulankan oo uu ku tilmaamay in ay dadkii ku haboonaa ku soo marti qaadeen

Waxa iyaguna kelmado ka yidhi xidhitaankii kulanka wakiilo ka socday shirkadaha SOMTEL, TELESOM, DARYEEL iyo Wasaarada Caafimaadka Somaliland.

Bahda warbaahinta Golaha wakiilada
Hargeysa Somaliland.