Home Blog

Shir gudoonka Labada aqal ee Baarlamaanka JSL oo kaashnaya Gudi isku dhaf ah oo labada gole ka tirsan ayaa heshiis ka gaadhay khilaafkii Xeerarka doorqshooyinka. Waxaanay Madaxweynaha u gudbiyeen Xalka khilaafkii taagnaa.

<img class="x16dsc37" role="presentation" src="data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ />
<img class="x16dsc37" role="presentation" src="data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ />
All reactions:

Shaafic Mohamuud Warsame and 51 others

Kulanka Kowaad: Guddida dhaqaalaha Maaliyadda iyo Ganacsiga ayaa maanta ka dhagaystay falanqayn ay ku sameeyey Miisaniyadda 2024-ka Macadka ISIR Think-tank oo ah Uruur maxali ah oo ay sameeyeen Aqoonyahan rer Somaliland ah.

0

Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiilada oo ku gudo jirta Diyaarinta Odoroska Miisaniyadda ayaa maanta waxa ay kulan la qaateen Shir-gudoonka Golaha Wakiilada iyaga oo Shir-gudoonka warbixin ka siiyey shaqadii u qabsoontahay muddadii ay gacanta ku hayeen Miisaniyadda.

+12
<img class="x16dsc37" role="presentation" src="data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ />
<img class="x16dsc37" role="presentation" src="data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ />
All reactions:

45

Guddida dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee golaha Wakiilada ayaa Kulamo kala duwan la yeeshay

hargeysa SL-P Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiilada JSL oo ku gudo jirta shaqada diyaarinta Odoroska Miisaniyadda Qaranka ee 2024-ka ayaa saaka kulamo la yeeshay hay’addaha kala ah;

1. Hanti-dhawraha Guud
2. ⁠Baanka Dhexe
3. ⁠Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka
4. ⁠Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.
Masuuliyiinta Hay’addahan oo Guddidu ka xog waraysanaysay Miisaniyadda 2024-ka waxa ay Masuuliyiintu uga xog warameen wixii xogo ah ee ay Guddidu u baahnaayeen.

Gudida Garsoorka iyo Dastuurka oo kulan la qaatay Wasiir Buuni

Hargeysa SL-P Sabti 06 Janaury 2024.Guddida Garsoorka Cadaalada Shuruucda iyo Xuquuqal Aadamaha ee Golaha Wakiilada JSL, ayaa Måanta kulan xafiiskooda kula yeeshay Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni oo uu dhawaan Madaxwaynaha JSL u soo Magacaabay Wasaaradaas.
kulankan oo ku saabsanaa in Guddidu su’aalo ka waydiiso Wasiirka Aqoontiisa, Waayo-aragnimadiisa Shaqo iyo Khibradda u leeyahay Shaqadan Qaran ee loo igmaday kadibna markay Guddidu waajibaadkooda ka gutaan ugu gudbiso Gole-waynaha si uu waajibaadkiisa qaran uga guto.
+24

Guddida Deegaanka, Khayraadka Dabiiciga ah, Wax soo-saarka iyo Tamarta ee Golaha Wakiilada JSL,

Guddida Deegaanka, Khayraadka Dabiiciga ah, Wax soo-saarka iyo Tamarta ee Golaha Wakiilada JSL, ayaa Måanta kulan ugu yeedhay Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo horumarinta Xeebaha ee uu dhawaan Madaxwaynaha JSL soo magacaabay Md: Raabbi Cabdi Maxamed, kulankaas oo ku saabsanaa in Guddidu su’aalo ka waydiiso Wasiirka Aqoontiisa, Waayo-aragnimadiisa Shaqo iyo Khibradda uu u leeyahay Shaqadan Qaran ee loo igmaday, kadib Guddidu u gudbiso Gole-waynaha si uu waajibkiisa uga guto.
+14

Kulan Hawleed 2 maalmood soconaya oo loo qabtay Agaasime waaxeedyada Golaha

Hargeysa SL-P Arbaca 03 January 2024 Tababar Laba maalmood soconaya oo ku saabsan kor u qaadka Waxqabadka Waaxyaha iyo daadejinta qorshe hawleedyada Golaha oo loo qabtay Agaasime waaxeedyada ayaa maanta ka bilaabmay Hall-ka shirarka ee golaha.
Kulan hawleedkan ayaa waxa furitaankiisii haddal ka jeediyey Xoghayaha guud ee golaha Md Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa faahfaahin kasiiyey ka qaybgalayaasha.
Hay’adda IRI oo kaashanaysa Hasi Consulting ayaa Golaha Gacan ka siiyey fulinta kulan hawleedkan 2da maalmood soconaya
+26
All reactions:

18

Hargeysa SL-P Arbaca 03 January 2024 Guddida Deegaanka, Khayraadka Dabiiciga ah, Wax soo-saarka iyo Tamarta ee Golaha Wakiilada JSL,

Hargeysa SL-P Arbaca 03 January 2024 Guddida Deegaanka, Khayraadka Dabiiciga ah, Wax soo-saarka iyo Tamarta ee Golaha Wakiilada JSL, ayaa Måanta kulan ugu yeedhay Wasiir ku xigeenka uu dhawaan Madaxwaynaha JSL u soo magacaabay Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Reer Miyiga Md: Maxamed Maydhane Ibraahim, kulankaas oo ku saabsanaa in Guddidu su’aalo ka waydiiso Wasiir ku xigeenka Aqoontiisa, Waayo-aragnimadiisa Shaqo iyo Khibradda uu u leeyahay Shaqada Qaran ee loo igmaday, si ay Gole weynaha warbixintiisa ugu gudbiyaan si xilka loogu

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo bulshada ku Hambalyeeyey curashada Sanadka cusub ee Miilaadiga 2024

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL wuxuu Bulshada ugu hambalyeynayaa Curashada Sanadka Cusub ee #2024
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) isagoo ku hadlaya magiciisa, ka shirgudoonka, ka Xildhibaanada iyo shaqaalaha Golaha Wakiilada JSL wuxuu bulshada JSL la wadaagayaa farxada soo dhawaynta Munaasibada bilashada Sanadka cusub ee Miilaadiga ee 2024 oo Caawa bilaw ah.
Gudoomiyuhu wuxuu Bulsho weynta reer Somaliland ilaahay uga baryayaa inuu sanadkan bilanaya uga dhigo sanad khayr qaba, horumar iyo nabadgelyo buuxdana aynu ku naaloono inaga iyo Guud ahaan mandaqada geeska iyo guud ahaan Dunidaba
Rabi sanadkaas sanadkiisa haynagu gaadhsiiyo Guul iyo gobonimo qaranimo iyo mid shakhsiyeedba Insha Allah.
Saleebaan Cabdisitaar Dubad
Agaasimaha Warbaahinta, Tignoolajiyada iyo Xidhiidhka dadweynaha
Ee Golaha Wakiilada JSL