Home Blog Page 4

Shirgudoonka Cusub ee Golaha Wakiilada JSL ayaa Xilkii kala Wareegay shir gudoonkii hore.

Munaasibad xil wareejin ah oo ay ka soo qayb galeen Madaxda Qaranka ee ay ka midka yihiin Shirgudoonkii Hore, Shir gudoonka Cusub ee goluhu doortay, Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Wasiirka Maaliyada, Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, Gudoomiyaha Xisbiga UCID, gudoomiye kuxigeenka 2aad ee Xisbiga KULMIYE, Maayarka Caasimada, qaar ka mida Madaxda xisbiyada, xildhibaanadii Hore iyo Xildhibaanada Cusub ayay xilka kula wareegeen Shirgudoonka Cusub ee Golaha Cusubi doorteen Maalintii salaasada ee bishu ahayd 03 Aug 2021.

Madaxda ka soo qayb gashay munaasibadan àyaa hadalo dardaaran iyo hogo tusaalayn ah madasha ka jeediyey Golaha cusub iyo hogaankoodana ugu duceeyey in uu Alle Xilka u fududeeyo.

Gudoomiyihii Hore ee golaha Md Baashe Maxamed Faarax ayaa
Gudoomiyaha la doortay ee Cabdirisaaq Khaliif Axmed ku wareejiyey dhamaan hantida iyo agabka goluhu leeyahay, 11 buug oo ka kooban Siyaasadaha hab maamul, waxqabadkii 15kii Sano ee ugu danbeeyey, hab-raacyada shaqo gudasho iyo qaar ka mid ah xeerarka ugu muhiimsan ee golaha iyo qarankuba ku shaqeeyo.

Waxa lagu wareejiyey shir gudoonka Cusub dhamaan xeerarka golaha u yaala ee maraya wejiyada kala duwan ee ay shuruucdu marto.

Markii munaasibadu soo xidhantay ayuu gudoomiyuhu ku soo wareegay xafiisyada isla markaana uu la wareegay Xafiiskiisa.

Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif ayaa Golihii hore uga mahadnaqay halka ay soo gaadhsiiyeen golaha, waxaanu balan qaaday in iyaguna ay gaadhsiin doonaan meel ka sii sar si hufan ugu adeegaan uguna gutaan waajibaadkooda qaran.

Xoghayaha guud ee Golaha Wakiilada oo kulan la qaatay Agaasime waaxeedyada iyo lataliyayaasha

Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada JSL Md Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa maanta kulan la qaatay Agaasime Waaxeedyada iyo la taliyayaasha golaha.Shirkan oo ah mid todobaadle ah oo wiigiiba ay mar galaan ayaa warbixinadii wax qabadka Waaxyaha lagaga dhegeystay inta badan Agaasime Waaxeedyada isla markaana ay qorshayaashooda soo socda kaga hadleen.Sidoo kale waxa Xoghayaha Guud ka dhegeystay Warbixino 3 gudi oo wiigii hore Hawlo gaara loo qorsheeyey.Bahda Warbaahinta Ee Golaha Wakiilda JSL

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo Hambalyada 30 guurada Somaliland u diray shacabka

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Mudane Baashe Maxamed Faarax waxa uu Munaasibada Ciidal Fitriga awgeed hambalyo u dirayaa golayaasha kala duwan ee qaranka, Ciidamada, shaqaale weynaha dawlada, shacabka Jamhuuriyada Somaliland iyo guud ahaan Shucuubta Islaamka waxaanu ilaahay uga baryayaa inuu ciidan ciideeda ku gaadhsiiyo Nabadgelyo, Farxad, Caafimaadqab, camal suuban iyo badhaadhe nololeed. Rabbi ha inaga aqbalo acmaashii wanaagsanayd ee aynu bishii Ramadaan soo wadnay, sidoo kalena Alle waxaan waydiisanaynaa inuu qaranka Jamhuuriyada Somaliland inoo sii adkeeyo, doorashooyinka bishan dhacayana inoogu dhameeyo si xor iyo xalaal ah oo nabad gelyo iyo muwaafaqo leh. Farxad iyo Caafimaad Ku Ciida Allaa Mahad Leh Cabďirisaaq Siciid Ayaanle Xoghayaha Guud Ee Golaha Wakiilada JSL

Guddida ilaalinta iyo dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada oo kormeer shaqo kutegay Gobolka Sanaag

0

Gar-adag SL-P Axad 06 December 2020 Gudida Dabagalka iyo ilaalinta Hantida qaranka ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxay kormeer ku tageen wadada isku xidha Burco-Ceerigaabo ee #SIILAANYO ROAD wadadan oo hadda maraysa wajigii gebogabada.

U jeedada safarkan oo daba socday, dabagalka xisaab xidhadii 2018-2019, isla markaana u kuurgalaya mashaariicda laga fuliyey miisaaniyadihii kala dambeeyey ee Qaranka.

Sida Wasiirka iyo Hawl-wadeenada wadadu u sheegeen Guddida, waxay wadadu maraysaa wajigii ugu dambeeyey ee dhamaystirka, iyada oo Xadhiga laga jaray inta u dhaxaysa Ceel-afweyn iyo Gar-adag. Waxa imika dhamaystiran 148KM oo ka soo bilaabantay Magaalada Ceerigaabo, Ceel-afweyn ilaa gar-adag.

Waxa kale oo wadada samaynteedu ka socotaa dhanka Magaalada War-idaad, una socota dhanka degmada Gar-adag.

Waxa kale oo Guddidu indho-indhayn ku samaysay qalabka farabadan ee wadada ceerigaabo lagu dhisayo, iyada oo sida uu Wasiirku sheegay wadada ceerigaabo la dhamayn doono bilawga 2021.

Gudida ayaa marka kormeerkoodani u soo dhamaado waxay Gole weynaha la wadaagi doonaan waxa ay ku soo arkeen wadada iyo halka ay marayso.