Gudida joogtada ah ee Golaha Wakiilada oo Togdheer ku jooga kormeer iyo waxa uga soo baxay

0
114

Burco (SL-P ) 19 Nov 2020 Gudida Joogtada iyo Anshaxa ee Golaha wakiilada JSL oo kormeer shaqo iyo qiimayn Xaaladaha deegaanadu ku sugan yihiin ku jooga Gobolka togdheer ayaa Maanþa kulan la qaatay Badhasaabka Gobolka Togdheer iyo Maayarka Magaalada Burco.

Kulankan ayay warbixino faahfaahsan gudidu kaga dhegeysteen labada Masuul.

Ugu horayn Gudoomiye kuxigeenka gudida Joogtada ah ahna kusimaha Gudoomiyaha Mudane Axmed Ducaale Bulaale ayaa u sheegay Maamulka Gobolka inay u socdaan sidii ay xaalada gobolka xog uga heli lahaayeen ku saabsan, Nabadgelyada Guud, Hawlaha u diyaar garowga Diiwaan gelinta Codbixiyayaasha iyo sida Xaalada abaaruhu tahay.

Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd (Daljir) iyo Maayor Maxamed Muraad ayaa si faahfaahsan gudida ugaga waramay Mawduucyadaas.

Badhasaabka iyo Duqa Magaalada Burco ayaa aad uga dayriyey Xaalada abaaraha gobolku halka ay marayaan waxa ay Gudida u sheegeen in laba maalmood ka hor ay soo mareen deegaanada Hawdka ilaa xuduudka Ethiopia iyo Somaliland oo ay sheegeen inay ka jirto Xaalad abaaro dhamaystiran oo biyo iyo baad midna aanay jirin. Waxa ay sheegeen inay dadkii deegaanada gobolka Togdheer ay u hayaameen deegaanada Somalida Ethiopia ee durugsan oo ay gaadheen deegaano aanay hore u gaadhi jirin, tuulo walibana ay haawanayso oo 10 qof waxaan ahayni ay tuulooyinkii joogaan.

Waxa ay labada Masuul sheegeen wadada Balidhiig ilaa Burco aanay haba yaraatee dad ku arag oo zoolo bakhtiyey oo toban toban wadada hareerahooda u yaala oo gawaadhidii lagu rarayay laga daadiyey waxaan ahayn aanay soo arag.

Waxa ay aad ula yaabeen waxa ka mid ah iyafoo ay balidhiig oo ah deegaanada hawdka ugu baraagaha badan ay ka waayeen biyo ay ku waysaystaan taas oo walaac aanay hore u qabin ku abuurtay.

Badhasaab Daljir iyo Muraad ayaa gudida si adag ugu sheegay in dadkii gobolka togdheer ay 45% ay ka maqan yihiin oo ay noloshooda iyo xoolahooda la tacaalayaan sidii ay nolol ugu heli lahaayeen oo Maantana aanay ka suuro gelaynin Isdiiwaan gelin.

Waxa sidoo kale ay uga xaalwarameen wefti Ethiopian ah oo ay kulan nabad gelyada ku saabsan wiigan Burco ku wada qaateen muhiimada shirkooduna ahaa sidii looga wada shaqayn lahaa wada shaqaynta amaanka iyo sidii dadkaas u hayaamay iyo isu socodka dad iyo gaadiid ee labada gobol ee Jarar iyo Togdheer loo xoojin lahaa si wanaagsana waxa laysula qaatay goaamo 8 ah.

Gudida ayaa uga mahadnaqday Badhasaabka iyo Mayorka sida wanaagsan ee ay u qaabileen xogahana ula wadaageen kana balan qaaday inay golaha hor geyn doonaan warbixina ka soo saari doonaan in sha allaahu.

Gudida ayaa sidoo kale waxa ay kormeer ku soo mareen Dhulka Naaxinta Xoolaha ee AROORI.
Waxaanay warbixin ka dhegeysteen Isu duwaha Wasaarada Xanaanada xoolaha ee Gobolka togdheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here