Home Blog Page 16

Gudida joogtada ah oo kulan maanta la qaatay wasiirka wasaarada Macdanta iyo Tamarta

0

Hargeysa(SL-Parliament) February 5 2019 Waxay maanta Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiiladu Xafiiskeeda kulan kula qaadatay  Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Mudane Jaamac Xaaji Maxamuud  oo ay ka xaal waraysteen shaqada ay wasaaradiisu qaranka u hayso.

.wasiirku wuxuu si faahfaahsan ugaga xaal waramay  shaqooyinka ay qaranka  masuulka  uga tahay oo ay ugu muhiimsan yihiin

  1. Tamarta
  2. Baadhitaanka shidaalka
  3. Macdanta

intaa ka dibna waxay Xildhibaanada Guddida Joogtadu weydiiyeen su’aalo kooban Wasiirka Wasaarada Macdanta Iyo Tamarta Ka dibna waxa kulanka soo xidhay Gudoomiye ku-xigeen Guddida Joogtada ah Md:- Axmed Ducaale Bulaale oo u mahadceliyey Wasaarada Macdanta Iyo Tamarta Jsl siday u soo ajiibeen yeedhmadii loo yeedhay ee ay guddida joogtadu ay u yeedhay iyo warbixintii guud ee ay siiyeen guddida joogtada

waxaanay muhiimadii shirka xog kooban ka siiyeen warbaahinta markii kulanku soo  gebageboobay

Xoghayaha Guud ee Golaha ayaa maanta kulan la qaatay Agaasimaha Waaxda Miisaaniyada iyo Agaasima Xasuus dhawrka

0

Hargeysa(SL-Parliament) February 5 2019 Xoghayaha Guud ee Golaha wakiilada JSL mudane Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa manta kulan la qaatay Agaasimayaasha  Waaxda Miisaaniyada iyo xisaabxidhada Mudane Xamse Maxamuud Xaaji Muuse  iyo Agaasimaha Xasuus dhawrka (Archives) Hibo Maxamed Ibrahim iyo Madax qaybeedyada labada waaxood ay leeyihiin

kulankan oo gebo gebo u ahaa kulamadii Maamul ee Xoghayaha Guud la yeelanayay agaasime waaxeedyada Golaha iyo madaxqaybeedyadooda  ayay  ku soo bandhigeen labadan waaxood  wax -qabakoodii iyo qorshayaashooda shaqo ee ay doonayaan inay qabtaan sanadkan, waxaanu ku soo gebageboobay jawi wada shaqayn iyo horu socod oo ay isla qaateen madaxda labadan waaxood iyo Xoghayaha Guud ee Goluhu.

Ansixinta Miisaaniyada Qaranka ee 2019

0

Hargeysa SL-Parliament  29 December 2018  

F adhigii 30aad ee kal-fadhiga 38aad ee Golaha wakiilada JSL oo uu shir-gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Mudane Baashe Maxamed Faarax  Kana soo qayb galeen 60 xildhibaan ayaa cod loogu qaaday odoroska miisaaniyada 2019.

ka dib markii Gudoomiyuhu furay shirka qiraankiina la akhriyeyWaxa gudoomiyuhu u qaaday Cod  odoroska miisaaniyada oo ay la socoto lifaaqa Gudida dhaqaalaha

Waxa Ogolaaday: 46 xildhibaan

Waxa Diiday:  12 xildhibaan

Waxa ka Aamusay 1 xildhibaan

Gudoomiyuhuna muu codaynin

Sidaas ayayayna ku ansaxday odoroska Miisaaniyada Qaranka + wax ka bedelkii Gudida dhaqalaha ee golaha wakiilada JSL.

Halkan kala Deg Lifaaqa wax ka bedelka Miisaaniyada lagu sameeyey

Liifaqa Misaaniyyada 2019

waxa kale oo gudoomiyuhu iclaamiyey in uu goluhu galay 2 bilood oo fasax kana bilaabanta 30 December 2018

Bahda warbaahinta ee Golaha Wakiilada JSL

Hatgeysa Somaliland

GoLaha Wakiilada JSL oo Cashuuro badan Laalay

Go’aanka Gudida Soo Jeedin Guud:

Gudidda Dhaqaalaha,Maaliyadda iyo Ganacsigu waxa ay go’aamisay qodobadan:-

1. In lagaSaaro Miisaniyadda Sanadkan Tacriifadaha Cusub iyo Kuwa korarsiimaha ah ee Wasaaraddaha

           a) Wasaaradda Horumarinta Reermiyiga iyo Degaanka

            b) Wasaaradda Gadiidka iyo Horumarinta Jidadka

          c) Wasaraaddda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

         d) Warasaaradda Warfaafinta iyo Dhaqanka

          e) Wasaraadda Horumarinta Kalluumaysiga iyo Xannaanada

         f) Wasaraadda Horumarinta Biyaha.

2. In Warbixin dhamays tiran oo faahfaahsan Wasaaraddu kasoo gudbiso mashaaricii ku jiray Miisaniyaddii 2018-ka

3. In Miisaniyaddaha Dawladaha hoose laga saaro miisaniyadda Dawladda dhexe oo iyadana Goluhu gaar u ansixiyo

4. In Miisaniyadda 2020 haddii Allah ka dhigo soo gudbinteeda loo raaco muddooyinka kuxusan Xeerka Maamulka Maaliyadda Qaranka

5. In qaab qoraalka Miisaniyadda wax laga bedelo isla markaana loo qoro sida miisaniyaddaha casriga ah.

6 In Gudida Dhaqaalaha iyo Gudida dabo galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiiladu ay si wada jir ah usoo kormeeraan mashaariicaha ku jiray Miisaniyadda 2018-ka

7. In Deeqaha Caalamiga iyo Mashaariicda ay hay’duhu ka wadaan dalka lagu soo daro Miisaniyadda 2020

8. Madaama oo loo kordhiyey Agaasimaayasha Guud ee Xuukuumadda Gunnada, in labada Xoghayaha Guud ee Golayaasha Wakiiladda iyo Guurtida loo kordhiyo intii loo kordhiyey Agaasimayaasha Guud

9. In 2% gobolada bari la Mashaariceeyo.

10. In kaalmada ururka Naafada ee DAN lagu daro Miisaniyadda 2019-ka

11. In xadiga lacagta eek u qoran Madax xigeenka(Subhead) 2110303(Gunno Hawleed) ee Golayaasha Barlamaanka loo wareejiyo Madax Xigaha 2110105

Hello world!

1

Welcome to WordPress. This is your first post. Edit or delete it, then start writing!

‘Somebody threatened to burn the school down’

0

Lorem ipsum dolor sit amet,sed diam nonumy eirmod tempor invidunt ut labore et dolore magna aliquyam erat, At vero eos et accusam et justo duo dolores et ea rebum. Lorem ipsum dolor sit amet, no sea takimata sanctus est Lorem ipsum dolor sit amet. Stet clita kasd gubergren, no sea takimata sanctus est Lorem ipsum dolor sit amet. no sea takimata sanctus est Lorem ipsum dolor sit amet. no sea takimata sanctus est Lorem ipsum dolor sit amet. sed diam voluptua.

Lorem ipsum dolor sit amet,sed diam nonumy eirmod tempor invidunt ut labore et dolore magna aliquyam erat, At vero eos et accusam et justo duo dolores et ea rebum. Lorem ipsum dolor sit amet, no sea takimata sanctus est Lorem ipsum dolor sit amet. Stet clita kasd gubergren, no sea takimata sanctus est Lorem ipsum dolor sit amet. no sea takimata sanctus est Lorem ipsum dolor sit amet. no sea takimata sanctus est Lorem ipsum dolor sit amet. sed diam voluptua.

Lorem ipsum dolor sit amet,sed diam nonumy eirmod tempor invidunt ut labore et dolore magna aliquyam erat, At vero eos et accusam et justo duo dolores et ea rebum. Lorem ipsum dolor sit amet, no sea takimata sanctus est Lorem ipsum dolor sit amet. Stet clita kasd gubergren, no sea takimata sanctus est Lorem ipsum dolor sit amet. no sea takimata sanctus est Lorem ipsum dolor sit amet. no sea takimata sanctus est Lorem ipsum dolor sit amet. sed diam voluptua.