GoLaha Wakiilada JSL oo Cashuuro badan Laalay

0
95

Go’aanka Gudida Soo Jeedin Guud:

Gudidda Dhaqaalaha,Maaliyadda iyo Ganacsigu waxa ay go’aamisay qodobadan:-

1. In lagaSaaro Miisaniyadda Sanadkan Tacriifadaha Cusub iyo Kuwa korarsiimaha ah ee Wasaaraddaha

           a) Wasaaradda Horumarinta Reermiyiga iyo Degaanka

            b) Wasaaradda Gadiidka iyo Horumarinta Jidadka

          c) Wasaraaddda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

         d) Warasaaradda Warfaafinta iyo Dhaqanka

          e) Wasaraadda Horumarinta Kalluumaysiga iyo Xannaanada

         f) Wasaraadda Horumarinta Biyaha.

2. In Warbixin dhamays tiran oo faahfaahsan Wasaaraddu kasoo gudbiso mashaaricii ku jiray Miisaniyaddii 2018-ka

3. In Miisaniyaddaha Dawladaha hoose laga saaro miisaniyadda Dawladda dhexe oo iyadana Goluhu gaar u ansixiyo

4. In Miisaniyadda 2020 haddii Allah ka dhigo soo gudbinteeda loo raaco muddooyinka kuxusan Xeerka Maamulka Maaliyadda Qaranka

5. In qaab qoraalka Miisaniyadda wax laga bedelo isla markaana loo qoro sida miisaniyaddaha casriga ah.

6 In Gudida Dhaqaalaha iyo Gudida dabo galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiiladu ay si wada jir ah usoo kormeeraan mashaariicaha ku jiray Miisaniyadda 2018-ka

7. In Deeqaha Caalamiga iyo Mashaariicda ay hay’duhu ka wadaan dalka lagu soo daro Miisaniyadda 2020

8. Madaama oo loo kordhiyey Agaasimaayasha Guud ee Xuukuumadda Gunnada, in labada Xoghayaha Guud ee Golayaasha Wakiiladda iyo Guurtida loo kordhiyo intii loo kordhiyey Agaasimayaasha Guud

9. In 2% gobolada bari la Mashaariceeyo.

10. In kaalmada ururka Naafada ee DAN lagu daro Miisaniyadda 2019-ka

11. In xadiga lacagta eek u qoran Madax xigeenka(Subhead) 2110303(Gunno Hawleed) ee Golayaasha Barlamaanka loo wareejiyo Madax Xigaha 2110105

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here