Home Blog Page 15

Gudida dhaqaalaha oo Wasiirka Jidadka iyo Gaadiidka wax ka waydiiyey Cashuuro aan sharci ahayn oo ay qaadaan

0

Gudidda Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha wakiilada JSL ayaa maanta Kulan ay ugu yeedheen Wasiirka Gaadiidka iyo Jidadka Somaliland mudane Cabdilaahi Abokor
Kulankan oo uu Shirgudoominayay Gudoomiye Ku-Xigeenka Gudidda Mudane Maxamud Axmed Obsiye ayaa lagaaga wada hadlay arimo dhawr ah oo ay ka mid ahaayen

  1. Cashuurtii Sumada Gaadiidka ee Goluhu hore u joojiyey
  2. Bedelka Sumada Gadiidka.
  3. .Qiima dhimista Taarikada Cusub.
  4. .Mashruuca berbera Coridor.
  5. Dhimsayaasha Wadooyin Cusub 5.Qodobo kale
    Gudida ayaa si adag wasiirka ugala hadashay inay joojiyaan Lacagta 600 ee kun ah ee ay qaadayaan Taarikada cusub maadaama Goluhu hore u laalay sharcinimadeeda markii miisaaniyada la ansixinayay, isla markaana waxay gudidu wasiirka indhaha u saartay Goaankii golaha iyo Lifaaqyadii Miisaaniyada ku lamaanaa kuwii la laalay iyo kuwii la ansixiyey in la qaado.
DSC_1173

Wasiirka ayaa Gudida u sheegay inaanay wasaaradiisu arintan ka warhaynin isla markaana ay gudidu wasaarada maaliyada kala xidhiidho arintan.

DSC_1182
DSC_1189
DSC_1192

Wasiirka ayaa si adag looga xog waraystay wadada Berbera Corridor iyo sida loo dhisayo wasiirkuna gudida wuu u faahfaahiyey

Bahda Warbaahinta iyo xidhiidhka Dadweynaha
ee Golaha Wakiilada JSL

Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo Malintii labaad ka Dooday Xaalada Dalka iyo mandaqada Geeska

0

Hargeysa (Golaha Wakiilada) 19 March 2019 Fadhigii 7aad ee Golaha Wakiilada JSL Shirgudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Baaashe Maxamed Faarax kana soo qayb galeen 40 Xildhibaan ayaa la Sii waday doodii Xaalada Geeska iyo mandaqada ka soo korodhay ee maalintii shalay ka blaabantay Golaha.

Fadhigan maantana waxa doodooda ka dhiibtay Mudanayaashan

  1. Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe
  2. Xasan Xuseen Shide
  3. Cabdiqaadir Jaamac Xaamud
  4. Baar Siciid Faarax
  5. Maxamed Jaamac Cabdi
  6. Ibraahim Mahdi Buubaa

Halkan Hoose ka Daawo Doodii Mudanayaasha ee maanta

Suleymaan Cabdisitaar Dubad Agaasimaha Warbaahinta iyo xidhiidhka Dadweynaha ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland

Shirgudoonka Golaha Wakiilada oo kulan la qaatay weftigii Eriteriyaanka ahaa

0

Gudoomiyaha Golaha wakiilada JSL mudane Baashe Maxamed Faarax oo ay weheliyaan gudi Hoosaadka arimaha Debeda ee Golaha wakiilada ayaa maanta Xarunta Golaha ku qaabiley weftigii Balaadhnaa ee Eraterian-ka ahaa ee uu hogaaminayay wasiirka arrimaha dibadda dalka Ereteriya, Mudane Cismaan Saalax Maxamed oo beryahanba safar shaqo ku joogay Somaliland.

Kulanka oo saacado dhawra qaatay ayay labada dhinac kaga wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa waxaanay shirgudoonka iyo mudanayaashii ku wehelinayay kuylanku uga xaal warameen dalka Somaliland iyo marxalada uu taagan yahay iyo inay ka go’an tahay inay gacmo furan ku qaabilayaan isbedelka geeska iyo sidii labada dal intaas isaga sii dhawaan lahaayeen.
Gudoomiyaha golaha Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa warbaahinta uga waramay wixii kulankaas lagaga wada hadlay iyo inuu ku soo gebogeboobay isafaham Somaliland iyo mandaqadaba muhiim u ah

Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo Dood ka yeeshay  Xaalada Geeska iyo mandaqada ka taagan

Hargeysa (Golaha Wakiilada)  18 March 2019 Fadhigii 6aad ee Golaha Wakiilada JSL  Shirgudoominayay  Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Baaashe Maxamed Faarax kana soo qayb galeen 43 Xildhibaan ayaa lagaga dooday  Xaalada Geeska iyo mandaqada ka soo korodhay .

Fadhigan maanta oo ay ka doodeen mudanayaasha kala ah

  1. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog)
  2. Axmed Ducaale Bulaale
  3. Maxamed Axmed Cabdi (Carabayto)
  4. Xildh Siciid Cartan
  5. Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan
  6. Xil Xuseen Ismaaciil
  7. Maxamed X Yuusuf Waabeeyo
  8. Xil Faarax Maxamuud Cabdulle
  9. Xil Xaamud Cismaan Cigaal
  10. Xil Abiibakar Cabdiraxmaan Good
  11. Xil Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac)

Dhamaana xildhibaanadani waxay dhinacyo kala duwan ka eegeen marxalada guud ee dalka iyo ta guud ahaan geeska iyo mandaqada ka soo korodhay.

Doodan ayaa maalinta berina ka sii socon doonta halkaas si mudanayaasha isu diiwaan geliyey ay uga wada hadlaan mawduucan oo muhiim golaha iyo guud ahaan qarankaba u ah.

Halkan Doodii Mudanayaasha Ka Daawo

Suleymaan Cabdisitaar Dubad

Agaasimaha Waaxda warbaahinta iyo xidhiidhka

Dadweynaha ee Golaha Wakiilada JSL

Shirgudoonka Golaha Wakiilada ayaa Kulan la qaatay Arday Barata Hogaaminta

Hargeysa (SL-Parliament) Arbaca 13  March 2019 Shirgudoonka Golaha Wakiilada JSL ayaa maanta Xarunta Golaha ku qaabilay  Koox dhalinyaro ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho Barta Maamul wanaaga

Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Mudane Bashe Mohamed Farah, gudoomiyaha guddida arrimaha bulshada Mud, Abdirahman Osman Aallin,  xildhiban  Axmed M Diiriye (Nacnac), Xoghayaha  Guud ee G.W Abdirisak Saeed Ayanle iyo Agaasimaha waaxda qorsheynta Abdinasir Osman Mohamoud,  Ayaa kulan la qaatay waxaanay uga xaal warameen mudadii ay joogeen kooxdan dhalinyarada ahi golaha  Xaalada guud ee dalka Habmaamulka iyi nidaamka sharci dejineed ee dalku heerarka ay marto iyo sidoo kale Nidaamka wada shaqayneed ee Hay’addaha dawlada iyo sida ay ula xisaabtamaan Xukuumada.

dhalinyaradan  barata  Tababarka iyo aqqoonta maamul wanaaga ayaa waxa Gacanta ku haya Xarunta CPA  waxaanay maalintii shalay si la mida kulankan la qaateen Madaxweyne kuxigeenka dalka JSL mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil Saylici).

53779053_2094549863954301_1574367622953172992_n (1)
53848765_570230240161012_211667919766028288_n
54362921_1179266552255548_4770280589230080000_n

Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo Dood ka yeeshay Xaalada Geeska iyo mandaqada ka taagan

0

Hargeysa (Golaha Wakiilada)  18 March 2019 Fadhigii 6aad ee Golaha Wakiilada JSL  Shirgudoominayay  Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Baaashe Maxamed Faarax kana soo qayb galeen 43 Xildhibaan ayaa lagaga dooday  Xaalada Geeska iyo mandaqada ka soo korodhay .

Fadhigan maanta oo ay ka doodeen mudanayaasha kala ah

  1. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog)
  2. Axmed Ducaale Bulaale
  3. Maxamed Axmed Cabdi (Carabayto)
  4. Xildh Siciid Cartan
  5. Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan
  6. Xil Xuseen Ismaaciil
  7. Maxamed X Yuusuf Waabeeyo
  8. Xil Faarax Maxamuud Cabdulle
  9. Xil Xaamud Cismaan Cigaal
  10. Xil Abiibakar Cabdiraxmaan Good
  11. Xil Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac)

Dhamaana xildhibaanadani waxay dhinacyo kala duwan ka eegeen marxalada guud ee dalka iyo ta guud ahaan geeska iyo mandaqada ka soo korodhay.

Doodan ayaa maalinta berina ka sii socon doonta halkaas si mudanayaasha isu diiwaan geliyey ay uga wada hadlaan mawduucan oo muhiim golaha iyo guud ahaan qarankaba u ah.

Halkan Doodii Mudanayaasha Ka Daawo

Suleymaan Cabdisitaar Dubad

Agaasimaha Waaxda warbaahinta iyo xidhiidhka

Dadweynaha ee Golaha Wakiilada JSL

Ajandaha Kal-fadhiga 39aad ee Golaha wakiilada JSL oo la ansixiyey iyo sida mudanayaashu u kala codeeyeen

0

Hargeysa(SL-Parliament) Salaasa 12 March 2019  Fadhigii 4aad ee Kalfadhiga 39aad ee Golaha wakiilada oo uu shirgudoominayay Gudoomiyaha Golaha wakiilada JSL mudane Baashe Maxamed Faarax kana soo qayb galeen 42 Xildhibaan ayaa lagu ansixiyey Ajandaha kalfadhiga 39aad ee Golaha.

Ajandaha ayaa loogu codeeyey sidan

ogolaaday: 34 xildhibaan

Diiday: 5 xildhibaan

Aamusay: 2 xildhibaan

Gudoomiyuhuna muu codaynin  sidaas baana lagu ansixiyey ajandaha kalfadhigan

Halkan ka Daawo Sida Codayntu u dhacday

 Halkan Hoose  ka akhriso sida Mudanayaashu ugu kala codeeyeen Ajandaha Kalfadhiga 39aad

Mawduuca :  Ansixinta Ajandaha Kalfadhiga 39aad          

Kal-fadhigii_: 39aad     Fadhigiisa:   4aad                     Taariikhda:         12 March 2019                                         

NoMagacaCodka 
HaaaMAYAAamusay
1.Gudoomiyaha Md. Baashe Maxamed Faaraxü
2.Gud. X. 1aad Md.  Axmedyaasiin Sh. Cali Ayaanle 
3.Gud. X. 2aad Md.  Dr.  Cali Yuusuf Axmedü
4.Md. Abokor C/raxmaan Good
5.Md. Dr.Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe)
6.Md. Axmed Ducaale Bulaaleü
7.Md. Axmed Max’ed Diiriye (Nacnac)ü
8.Md. Saleebaan Cawad Cali (Bukhari)ü
9.Md. C/raxmaan Yuusuf Cartan
10.Md. Cali Max’ed Aadan (Calibarre)ü
11.Md. Max’ed Baaruud Shide(Qamac)ü
12.Md. Max’ed Cismaan Max’ed (Bulqaas)ü
13.Md. Cumar Axmed Saleebaan(Sanweyne)ü
14.Md. C/laahi Ismaciil Faaraxü
15.Md. Xuseen Axmed Caydiidü
16.Md. Ibraahim Axmed Reygal
17.Md. Ibraahim Jaamac Cali (Reyte)
18.Md. Siciid cilmi Rooble
19.Md. Max’ed X.Yusuf Axmed (Wabeyo)ü
20.Md. Max’ed X.Max’uud Cumar Xaashi
21.Md. Max’ed Xuseen Xaaji Ciiseü
22.Md. Max’ed Jamac Cabdi
23.Md. Max’ed Cali Xirsiü
24.Md. Prof.Max’ed Cumar  Aadan Jiirü
25.Md. Mahdi Xuseen Cadarü
26.Md. Max’uud Axmed Obsiiye
27.Md. Aadan Xaaji Diiriye Dirir
28.Md. Aadan Muxumed Hoori (Matan)
29.Md. Axmed Barkhad Obsiiye
30.Md. Axmed Xasan Adan (Weysa cade)ü
31.Md. Axmed Max’ed Nuur
32.Md. Baar Siciid Xaaji Faaraxü
33.Md. C/raxman Muuse Jamac
34.Md. C/casiis Ismaacil Ducaaleü
35.Md. C/kariim Aw Cali Shabeel
36.Md. C/qaadir X. Ismaciil jirdeü
37.Md. C/qaadir Jamac Xamuudü
38.Md. C/raxmaan Max’ed Jamac (A-xoog)ü
39.Md. Cali Obsiye Diiriye (Cali Gebiley)
40.Md. Cali X.Max’ed Muuseü
41.Md. Cali Sh.Ibraahim Aareeye
42.Md. Farxan Max’ed Caliü
43.Md. Xasan Xuseen Shide
44.Md. Xuseen Ismaacil Yuusufü
45.Md. Maxamed Jaamac Cabdi (Gaaxnuug)ü
46.Md. Max’ed Axmed Max’ed (Dhakool)ü
47.Md. Max’uud Dhunkaal Guutaale
48.Md. Axmed Maxamed Caateeyeü
49.Md. Max’ed Saalax Cige
50.Md. Max’uud Jaamac X.Cilmi (Dable)ü
51.Md. Siciid Cartan Cisman
52.Md. Cabdi Maxmed Jaamac (Gaagaale)ü
53.Md. Bashiir Sh.Xuseen Tukaaleü
54.Md. Saleebaan Diiriye Barre
55.Md. C/raxmaan Cismaan Caalinü
56.Md. Xaashi Xuseen Caabi
57.Md. Faraax Max’uud Cabdulleü
58.Md. Jaamac Xasan Aadan
59.Md. Mahdi C/laahi Max’uud
60.Md. Ibraahim Mahdi Buubaaü
61.Md. Xuseen Maxamed Cigeü
62.Md. Max’ed Faarax Qabile
63.Md. Max’ed Jamac Cali
64.Md. Muuse Max’ed Ismacil (Hoos u jeed)ü
65.Md. Naasir X. Cali Shire
66.Md. Siciid Maxamed Cilmiü
67.Md. Ibraahim Caraale Cabdi
68.Md. Dr. Maxamed Axmed Cabdi (Carabayto)
69.Md. C/laahi  Axmed Yuusuf (Madar)
70.Md. C/laahi Xuseen Cige (Blacky)ü
71.Md. Siciid Warsame Ismaaciil
72.Md. Wali Axmed Xaawo
73.Md. Axmed Faarax Joojü
74.Md. C/qaadir Jibril Tukaale
75.Md. Cabdi Hiirad Warfaa Faahiyeü
76.Md. Maxam’ud J. Warfaa
77.Md. Xasan Muuse Hufane
78.Md. Xaamud Cisman Cigaalü
79.Md. C/raxman Maxamed Jaamac
80.Md. Ismaaciil Maxamed Xasan
81.Md. Axmed Cabdi Kaahin
82.Md. Yuusuf Liibaan Cumarü
Xildhibaanada soo Xaadiray 42OgolDiidayAamusayTotal
Codadka guud ee Mudanayaasha3452 + Gudomiyaha42

Kalfadhigii 39aad ee Golaha Wakiilada JSL oo Maanta si rasmiya u furmay.

0

Hargeysa (SL-Parliament) waxa Maanta oo Sabti ah  9 March 2019  ka furmay Xarunta Golaha Wakiilada JSL Kal-fadhigii 39aad ee Golaha.

Fadhigan 1aad ee Kalfadhiga 39aad oo uu gudoominayay Gudoomiyaha Golaha wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax ayay ka soo qayb galeen badiba xildhibaanada Golaha wakiilada waxaana  si rasmiya ugu dhawaaqay inuu kal-fadhigani furmay Gudoomiyaha Golaha waxaana xildhibaanada loogu qaybiyey Ajandaha kal-fadhigan oo uu gudoomiye Baashe ku wargeliyey inay dooda ajanduhu bilaabmayso 1Maalinta Axada ee 10 March.

Xoghayaha Guud ee Golaha oo Kulan la yeeshay Waaxda Hadal-Qoraalka

0

Hargeysa(SL-Parliament) February 4 2019 Xoghayaha Guud ee Golaha wakiilada JSL mudane Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa manta kulan la qaatay Agaasimaha Waaxda Hadal qoraalka iyo Gudiyada mudane Cawad Cali Maxamed iyo Madax qaybeedyada waaxda oo ay ka mid yihiin Madax Qaybeedka Gudiyada Huda Maxamed Axmed iyo  Mahad Cumar Siciid oo ah madaxa qaybta Plenary-ga.

Xoghayaha oo ay ku wehelinayeen kulankan Lataliyaha Mashaariicda ee Golaha Siciid Faarax Xaashi iyo La taliyaha Siyaasadaha (Policy Advisor) mudane Mubaarik Faarax Warsame ayay waaxdu ku soo bandhigtay wax qabakeedii iyo qorshayaasheeda shaqo ee ay doonayaan inay qabtaan sanadkan,  waxaanu ku soo gebageboobay is faham iyo in loo balamay sidii shaqada waaxda loo sii dardar gelin lahaa.

Gudidda Dabagalka Hantida Qaranka oo Kulan la yeeshay Wasiirka Maaliyada iyo Xisaabiyaha Guud

0

Hargeysa (SomalilandParliament) 4/2/2019 Waxa Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiiladu kulan la yeesheen Wasiirka Wasaarada harumarinta Dr. Sacad Cali Shire, kulankan oo u jeedadiisu ahayd sidii la isaga xog-waraysan lahaa Xisaab xidhka 2017, isla markaana is wada jir ah la isula eego sixitaanka nidaaamka maaliyadeed ee Qaranka, taasi oo qaranka  u horseedi karta si buuxda la isula xisaabtamo, isla markaana masuul kasta lagula xisaabtamo masuuliyada uu u hayo Qaranka Jamhuuriyada, isaga oo Wasiirka Wasaarada Horumarinta Maaliuyada Mudane Sacad Cali Shire Balan qaaday inuu mar kasta sixi dooono nidaamka maaliYadeed ee Qaranka isaga oo ka duulaya sharciga Qaranka u yaala, isla markaana balan qaaday in wixii qaladaad ah ee soo jireenka ahaa sixi doono.

Guddidu waxay su’aalo badan oo dhinacyo badan taabanayaa weydiiyeen Wasiirka, taas oo wasiirkuan ka jawaabay dhammaan su’aalahaas balana qaaday in uu la shaqayn doono Guddida.

Gebogebadiina Waxa Gudoomiyaha Guddida Ibraahim Mahdi Buubaa u mahadceliyey wasiirka Horumarinta sida wanaagsan ee u muujiyey isla qaadashada qodabadii la iska xog-waraystay.