Shirgudoonka Golaha Wakiilada ayaa Kulan la qaatay Arday Barata Hogaaminta

0
89

Hargeysa (SL-Parliament) Arbaca 13  March 2019 Shirgudoonka Golaha Wakiilada JSL ayaa maanta Xarunta Golaha ku qaabilay  Koox dhalinyaro ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho Barta Maamul wanaaga

Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Mudane Bashe Mohamed Farah, gudoomiyaha guddida arrimaha bulshada Mud, Abdirahman Osman Aallin,  xildhiban  Axmed M Diiriye (Nacnac), Xoghayaha  Guud ee G.W Abdirisak Saeed Ayanle iyo Agaasimaha waaxda qorsheynta Abdinasir Osman Mohamoud,  Ayaa kulan la qaatay waxaanay uga xaal warameen mudadii ay joogeen kooxdan dhalinyarada ahi golaha  Xaalada guud ee dalka Habmaamulka iyi nidaamka sharci dejineed ee dalku heerarka ay marto iyo sidoo kale Nidaamka wada shaqayneed ee Hay’addaha dawlada iyo sida ay ula xisaabtamaan Xukuumada.

dhalinyaradan  barata  Tababarka iyo aqqoonta maamul wanaaga ayaa waxa Gacanta ku haya Xarunta CPA  waxaanay maalintii shalay si la mida kulankan la qaateen Madaxweyne kuxigeenka dalka JSL mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil Saylici).

53779053_2094549863954301_1574367622953172992_n (1)
53848765_570230240161012_211667919766028288_n
54362921_1179266552255548_4770280589230080000_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here