Hargeysa(SL-Parliament) 18 March 2020 Gudoomiyaha Golah wakiilad Jsl Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa maanta ku dhawaaqay Goaan Maamul oo lagu cadeeyey in Gole weynaha iyo kulamada Gudiyadaba la joojiyey muddo 4 todobaad ah.

Hargeysa(SL-Parliament) 18 March 2020 Gudoomiyaha Golah wakiilad Jsl Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa maanta ku dhawaaqay Goaan Maamul oo lagu cadeeyey in Gole weynaha iyo kulamada Gudiyadaba la joojiyey muddo 4 todobaad ah.
Hargeysa(SL-Parliament) Sabti 22 Feb 2020 Fadhigii 4aad ee Kal-fadhiga 42aad ee Golaha Wakiilada JSL oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa Golaha laga hor jeediyey laba Warbixinood oo kala ah
Halkan Hoose ka Daawo 2daas warbixinood oo dhamaystiran
Fadhigii 3aad ee Kal-fadhiga 42aad oo uu shir gudoominayay Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee golaha Mudane Axmed-Yaasiin Sh. Cali Ayaanle ayaa lagu ansixiyey Ajandaha kal-fadhigan 42aad.
golaha oo ay ka soo xaadireen 42 xildhibaan ayaa waxa ogolaaday 40 mudane Hal mudane ayaa ka aamusay Cidi ma diidin gudoomiyuhuna muu Codaynin, fadhigani sidii uu u dhacayna halkan hoose ka Daawo
Sida Mudanayaashu ukala codeeyeena waa sidan
Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland mudane Baashe Mohamed faarax, oo Maalmahanba safar shaqo ku joogay dalka aynu Jaarka nahay ee DJIBOUTI ayaa maanta kulan la yeeshay Dhigiisa Dalkaas. Iyo Masuuliyiin kale.
Gudoomiye Baashe oo uu weheliyo xoghayaha saddexaad ee Safaarada somaliland ee Djibouti, mudane Khadar Bedel Saed ayaa kulan muddo qaatay waxa uu la yeeshay Gudoomiyaha barlamaanka Djibouti Mudane Mohamed Ali houmed, oo ay weheliyan Gudoomiyaha gudi hoosaadka arrimaha dibadda ee barlamaanka Djibouti xildhibaan Abdirahmaan Awaleh Yasiin iyo Xubin ka mida gudi hoosaadka dhaqaalaha ee barlamaanka Djibouti xiliban Jibril.
Kulankan ayay labada dhinac kaga wada hadleen Danaha labada dal iyo sidii ay isugu xidhmi lahaayeen labada Baarlamaan ee labada dal ee Somaliland iyo Djibouti lana xoojiyo xidhiidhkooda wallaalnimo iyo wax wada qabsi, isla markaana ay is waydaarsadaan Khibradaha iyo habmaamulka labada Baarlamaan taas oo ay labada Gudoomiye Baarlamaan isku afgarteen iskulana qaateen in hore loo sii wada wada shaqayntooda.
Saleebaan Cabdisitaar
Dubad
Agaasimaha Warbaahinta ee Golaha Wakiilada JSL
Parliament Building
1st Main St,
Opposite to presidential Palace
Shacabka, Harge
©2022 Somaliland Parliament All Rights Reserved.