Shirgudoonka Cusub ee Golaha Wakiilada JSL ayaa Xilkii kala Wareegay shir gudoonkii hore.

0
153

Munaasibad xil wareejin ah oo ay ka soo qayb galeen Madaxda Qaranka ee ay ka midka yihiin Shirgudoonkii Hore, Shir gudoonka Cusub ee goluhu doortay, Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Wasiirka Maaliyada, Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, Gudoomiyaha Xisbiga UCID, gudoomiye kuxigeenka 2aad ee Xisbiga KULMIYE, Maayarka Caasimada, qaar ka mida Madaxda xisbiyada, xildhibaanadii Hore iyo Xildhibaanada Cusub ayay xilka kula wareegeen Shirgudoonka Cusub ee Golaha Cusubi doorteen Maalintii salaasada ee bishu ahayd 03 Aug 2021.

Madaxda ka soo qayb gashay munaasibadan àyaa hadalo dardaaran iyo hogo tusaalayn ah madasha ka jeediyey Golaha cusub iyo hogaankoodana ugu duceeyey in uu Alle Xilka u fududeeyo.

Gudoomiyihii Hore ee golaha Md Baashe Maxamed Faarax ayaa
Gudoomiyaha la doortay ee Cabdirisaaq Khaliif Axmed ku wareejiyey dhamaan hantida iyo agabka goluhu leeyahay, 11 buug oo ka kooban Siyaasadaha hab maamul, waxqabadkii 15kii Sano ee ugu danbeeyey, hab-raacyada shaqo gudasho iyo qaar ka mid ah xeerarka ugu muhiimsan ee golaha iyo qarankuba ku shaqeeyo.

Waxa lagu wareejiyey shir gudoonka Cusub dhamaan xeerarka golaha u yaala ee maraya wejiyada kala duwan ee ay shuruucdu marto.

Markii munaasibadu soo xidhantay ayuu gudoomiyuhu ku soo wareegay xafiisyada isla markaana uu la wareegay Xafiiskiisa.

Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif ayaa Golihii hore uga mahadnaqay halka ay soo gaadhsiiyeen golaha, waxaanu balan qaaday in iyaguna ay gaadhsiin doonaan meel ka sii sar si hufan ugu adeegaan uguna gutaan waajibaadkooda qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here