Home Blog Page 2

Guddida Hawlaha Guud ee Golaha oo Laba xeer kulan wada tashi ah u sameeyey

Guddida gaadiidka, hawlaha guud iyo technology_yadda ee golaha wakiilada JSL waxay maanta kulan u qabteen daneeyayaasha xeerarka 1) Amaanka iyo dambiyada technology_yada casiriga ah.

2) ilaalinta xogta electronics ah,

Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiiladda JSL Md. Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa si rasmi u furay

Kulankas oo ay ka soo qayb galeen dhamaan daneeyayaasha xeerarkani.

Kulankan ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Golaha Wakiiladda JSL.

Guddida Joogtada ah ee Golaha oo kulan la yeeshay Masuulyiinta Baanka Dhexe

Hargeysa arbaca 01 November 2023Guddida joogtada iyo anshaxa ee Golaha wakiilada JSL ayaa maanta oo (Arbaca) ah waxay kulan xog-waraysi la qaateen masuuliyiinta BAANKA DHEXE JSL oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baanka DHexe Md. Dr. Cali C.laahi Daahir

Kulankan oo uu shir-gudominayey Gudomiyaha Guddida joogtada iyo Anshaxa ee golaha wakiilada Md. FAYSAL YUSUF JAMAC ayey u jeedadiisu ahayd kulan xog-waraysi, iyo ka warbixinta xaalada guud ee Dhaqaalaha Dalka iyo Shaqada ay qaranka u hayaan,Waxqabadka baanka dhexe, waxyaabaha u qabsoomay iyo waxyaabaha aan u qabsoomin inuu warbixin ka siiyo Guddida Waxaanu Gudoomiyuhu si waafiya xog uga siiyey arimahaas kala duwan,a.

Mudanayaasha Guddiduna waxay su’aalo kala duwan ka weydiiyeen arimahaas, iyadoo Gudoomiyuhuna si faahfaahsan ugaga jawaabay.

Guddida Dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranka oo kulan Xafiiskooda ku yeeshay

kulankaas oo

daba jooga kulamadii lagu lafa gurayey isla markaasna lagu faaqidayey xisaab xidhkii uu golaha usoo gudbiyey Hanti dhowraha guud ee qaranka ee 2022 .Gudidu waxa ay wax iska weydiiyeen meelaha u baahan faahfaahinta dheeraadka si loo helo xisaab xidh uu ka muuqdo daah furnaan , iyagoo ka duulaya waajibka gudidu u hayso golle weynaha.

gudida ayaa sii wadi doonta kulamada ay ku naaqishayso xisaabxidhka qaranka ee 2022

Ardayda Jaamacadaha oo booqasho aqoon korodhsi ah ku yimi Golaha Wakiiladda

Hargeysa SL-P booqasho Ardayeed aqoon korodhsi ah oo ay soo agaasintay hay’adda BIGIL oo ka shaqaysa dimuquraadiyada iyo wacyigalinta dadweynaha ayaa ka dhacay Xarunta Baarlamaanka ee Somaliland.

Booqashadan Ardayda Jaamacadu ku timi Golayaasha Baarlamaanka oo ahaa aqoon korodhsi ayaa waxa ka faa’iidaystay ardey ka socotay Jaamacada New Generataion ee Hargeysa.

Ujeedada booqashadan laga lahaa ayaa ahayd in ardeyda la baro sida baarlamaanku u shaqeeyo iyo waajibaadkiisa shaqo, hawlaha gudiyada qabtaan iyo waajibaadkooda, iyo hanaanka xildhibaanadu u doodaan. Kulan waxaa ka hadlay Xoghaya Guud ee Golaha Wakiilada Mudane Abdirisak Siciid Ayaanle iyo Agaasimaha Qorsheynta ee Golaha Wakiilada Abdinasir Osman Mohamoud, oo ardeyga uga waramay shaqada baarlamaanka, qaab-dhismeedkiisa, iyo waajibaadkiisaba guddiyada, sidoo kale waxaa isna ka hadlay su’aalo badana uga jawaabey ardeyda Mudane Xasan dhuxul Laabsaalax.
Ugu dambeyn, Golaha Wakiilada ayaa ardeyga u qaybiyey buugaag ku saabsan shaqada golaha kuwaas oo ardeyg ka faa’iideysan doonaan.

Gudida Cadaalada iyo Garsoorka ee Golaha oo la Kulmay Hay’adda Laanqayrta Cas

Hargeysa Arbaca 20 Sept 2023 Gudidda Garsoorka, Cadaalada, Shuruucda iyo Xuquuqda Aadamaha Golaha Wakiiladda JSL ayaa maanta Kulan la yeeshay Madaxda sare oo ka socday Ha’ayadda laanqayrta Cas (ICRC) oo kala ah

1. Samuel Almeida: ICRC protection delegate

2 : Merick Freedy Alagbe: ICRC Head of Sub delegation.

3 : Jimcaale Cali Nuur, Madaxa ICRC Somaliland/ICRC Somaliland Head Of Office.

kulankan oo uu shirgudoominayay kusimaha Gudoomiyaha Gudidda Md. Fuad Axmed Diire, isla markaana ay joogeen xubnaha gudida oo kamid ahayaan Xildhibaan Guleed Warsame, Xildhibaan Khadar Cali xakiim, Lataliye Axmed yuusuf Xuquuq iyo Xoghaye Cabdiraxmaan jamac Nuuraani, ayaa Waftiga ka Xogwaraystay shaqada ha’ayadda iyo Xaalada maxaabiistii Dagaalka Laascaanood iyo Sida Ay uga howlgaleen Wax-Ka qabashadii Baahiyahii Bani-aadnimo ee xaqa ulahaayeen maxaabiistaasi, Iyagoo ka duulaayey xeerarka udajisan caalamka marka ay dhacaan Dagaalada.

Dhinaca kale gudidu waxay war bixin ka siiyeen shaqada gudida iyo kormeero ay ku soo mareen xabsiyada dalka iyo baahiyhii ay ku soo arkeen sidii wax looga qaban lahaa, maxaabiistaana gargaar loo gaadhsiin lahaa.

Ugu dambeyntii gudida waxay uga mahadnaqney dadaalkaa Weyn Ay ugu jiraan Ilaalinta Xuquuqda Bani-aadanka. Waxayna isla garteen inay isweydaarsadaan afkaarta iyo khibradaha kana wada shaqeyaan Sidii Ay uga wada yeelan lahayeen iskaashi Arimahaa Taagan iyo Kuwo kalaba.

Gudida Arimaha debeda iyo qorshaynta oo kulan la qaatay wasiirka Maalgashiga

Hargeysa SL P Arbaca 20 Sep 2023 Guddida siyaasada arrimaha debada iskaashiga caalamiga ah Qorshaynta iyo maalgashiga ee Golaha wakiilada JSL ayaa saaka ugu yeedhay kulan shaqo iyo xogwaraysi ah wasiirka wasaarada Hormarinta Maalgashiga iyo warshadaha Mudane Cabdi cismaan dhaga-weyne Cabdule

Gudoomiyaha Golaha oo kala qayb galay kulamadii Gudida Iswaafajinta xeerarka doorashooyinka

Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka Golaha Wakiilada JSL oo Wali ku guda jira hawlihii shaqo ay gacanta ku hayeen ka dib markii Todobaadkii la soo dhaafay ay soo gabo-gabeeyeen 16 kulan wada-tashi oo ay 16 hay’addood kala duwan la yeeshen, ayaa Maalintii Sabtida 16 September guda-galay wajigii labaad qorsha-hawleedkooda oo ah falanqaynta iyo naaqishida xeerarka oo ku salaynayaan waxyaabihii uga soo baxay kulamadii hay’addihii ay la kulmeen.

Fadhiyadii Sabtidii, Axadii iyo maanta oo uu shir-gudoominayay Gudoomiyaha Gudidaasi Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), waxay bilaabeen iskugurka, naaqishida iyo ka doodidda Xeerarka Doorashooyinka khuseeya oo kala ah Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Cod-bixyayaasha Xeer Lr. 91/2020 iyo iyo Xeerka Ururada Axsaabta Siyaasada Xeer lr. 14/2011.

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo kulankii maanta Guddida kala qayb-galay ayaa Gudidda ku amaanay sida xil-kasnimada leh ee ay hadh iyo habeen u shaqaynayaan, wuxuuna ugu duceeyay in hawsha Illaahay u fududweyo, isagoo ugu dambeyn ku boorayay inay hawsha dedejiyaan oo sida ugu dhakhso badan Golewaynaha ugu soo celiyaan si uu waajibaadkiisa uga guto.

Hadaba, Gudiddu waxay Fadhiyadii Sabtidii iyo Axadii ka dooddeen Xeerka Doorashooyinka Guud Xeer Lr. 91/2020 iyagoo falanqayntooda ku salaynaya wixii uga soo baxay kulamadii wada-tash. halka Fadhigii saakana guda-galeen Xeerka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada Xeer Lr. 14/2011, Xeerarkaas oo gabo-gabo ku dhaw Waxa u qorshaysan inay fadhiyada soo socda ay soo gabo-gabeeyaan hawsha Xeerarkaas oo ay saxal tireen، wixii gal-daloolooyin ku jirayna ka saxay, isla markaana waafajiyeen oo ay ku saleeyeen baahiyaha doorasho ee taagan si doorashooyin hufan oo wanaagsan inoogu dhacaan.

gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo agaasime waaxeedyada u furay aqoon korodhsi

Hargeysa SL-P 26 July 2023 gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Md Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa maanta kulan aqoon iswaydaarsi ah oo socon doona 2 maalmood u furay Agaasime Waaxeedyada iyo kuxigeenadooda.

Aqoon is waydaarsigan oo ku saabsan hirgelinta iyo horumarinta Siyaasadaha, hagayaasha iyo Habraacyada Golaha Wakiiladu ku shaqeeyo.

Kulankan oo daba socday mid todobaadkii hore loo qabtay Maamulka iyo Madaxda shaqada gacanta ku haya ayaa maalinta berina ka sii socon doona Xarunta Golaha Wakiilada JSL.

Kulamadan iyo tabbaradan oo ay bixinayeen khubaro ka socday Hay’adda HASI ayaa waxa golaha Gacan ka siiyey Hay’adda Caalamiga ah ee IRI

Gudoomiyaha Golaha wakiilada JSL oo la doortay

Hargeysa 23 July 2023 Kal-fadhigii 6aad fadhigiisii 1aad ee Golaha Wakiilada oo ay ka soo qayb galeen dhamaan xubnaha golaha 82 xildhibaan ayaa waxa tartan hufai dhex maray Labada musharax ee kala ah

  1. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon)
  2. Maxamed Khadar Daahir Mooge

fadhiga oo uu gudoominayay gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha wakiilada ayaa cod gacan taagis ah u qaaday labadan musharax waxaanay kala heleen codadkii:-

  1. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) 46 Cod
  2. Maxamed Khadar Daahir Mooge 35 Cod gudoomiyuhuna muu codaynin

waxaana si rasmiya ugu guuleystay Gudoomiyaha Golaha Mudane Yaasiin Maxamuud Xiir