Ardayda Jaamacadaha oo booqasho aqoon korodhsi ah ku yimi Golaha Wakiiladda

0
234

Hargeysa SL-P booqasho Ardayeed aqoon korodhsi ah oo ay soo agaasintay hay’adda BIGIL oo ka shaqaysa dimuquraadiyada iyo wacyigalinta dadweynaha ayaa ka dhacay Xarunta Baarlamaanka ee Somaliland.

Booqashadan Ardayda Jaamacadu ku timi Golayaasha Baarlamaanka oo ahaa aqoon korodhsi ayaa waxa ka faa’iidaystay ardey ka socotay Jaamacada New Generataion ee Hargeysa.

Ujeedada booqashadan laga lahaa ayaa ahayd in ardeyda la baro sida baarlamaanku u shaqeeyo iyo waajibaadkiisa shaqo, hawlaha gudiyada qabtaan iyo waajibaadkooda, iyo hanaanka xildhibaanadu u doodaan. Kulan waxaa ka hadlay Xoghaya Guud ee Golaha Wakiilada Mudane Abdirisak Siciid Ayaanle iyo Agaasimaha Qorsheynta ee Golaha Wakiilada Abdinasir Osman Mohamoud, oo ardeyga uga waramay shaqada baarlamaanka, qaab-dhismeedkiisa, iyo waajibaadkiisaba guddiyada, sidoo kale waxaa isna ka hadlay su’aalo badana uga jawaabey ardeyda Mudane Xasan dhuxul Laabsaalax.
Ugu dambeyn, Golaha Wakiilada ayaa ardeyga u qaybiyey buugaag ku saabsan shaqada golaha kuwaas oo ardeyg ka faa’iideysan doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here