Home Blog Page 14

Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo Maalintii 2aad sii wada Dooda Xeerka Nidaamka Garsoorka

0

Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo Dood ka yeeshay  Xeerka Nidaamka Garsoorka

Hargeysa (Golaha Wakiilada)   07 April 2019  Fadhigii 16aad ee Golaha Wakiilada JSL  oo Shirgudoominayay  Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Baaashe Maxamed Faarax kana soo qayb galeen inta badn  Xildhibaanada aqalka wakiiladu  ayaa lagaga sii dooday Xeerka  Nidaamka Garsoorka oo maalintiisii 2aad galay

waana kuwan xildhibaanadii maanta ka dooday xeerku

Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo Dood ka yeeshay Xeerka Nidaamka Garsoorka

0

Hargeysa (Golaha Wakiilada)   06 April 2019  Fadhigii 15aad ee Golaha Wakiilada JSL  oo Shirgudoominayay  Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Baaashe Maxamed Faarax kana soo qayb galeen inta badn  Xildhibaanada aqalka wakiiladu  ayaa lagaga Xeerka  Nidaamka Garsoorka

Fadhigan maanta oo ay ka doodeen mudanayaashan hoos ku qorani

  1. Farxaan Maxamed CALI
  2. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac  (Xoog)
  3. Maxamuud Jaamac Cilmi (Dable)
  4. Maxamuud Axmed Maxamed (Dhakool)
  5. Cabdiqaadir Jaamac Xaamud
  6. Cabdiraxmaan Cismaan Caalin
  7. Cabdilaahi Xuseen Cige Balaaki

Xildhibaanada ayaa fadhiga ka soo jeediyey wax ka bedelka loo baahan yahay in xeerkan lagu saleeyo, iyagoo qaarkoodna qaladaadka iyo meelaha laga ilduufay ku dheeraaday isla markaana qodobo dheeraada ku soo kordhiyey.

Doodan ayaa maalinta beri ee axadana halkaas ka sii socon doonta

Bahda  warbaahinta iyo xidhiidhka Dadweynaha

ee Golaha Wakiilada JSL

Shir-gudoonka Golaha Wakiilada oo la kulmay Weftigii EU-da

S

Hargeysa ( SL-Parliament) Arbaca  03 April 2019,  Gudoomiyaha Golaha wakiilada JSL  mudane Baashe Maxamed Faarax,  oo ay weheliyaan gudoomiye ku-xigeenka Golaha wakiilada JSL mudane Axmed-Yasiin sh. Cali Ayaanle, Gudoomiyaha gudida arimaha Gudaha Cabdilaahi Xuseen Cige (Balaaki) iyo xoghayaha guud ee Golaha wakiilada Md Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa maanta kulan la qaatay weftigii safiiradda Yurub ( EU-da) ka socday  ee shalay dalka safarka shaqo ku yimi.

Weftigan  oo uu hogaaminayay  safiirka EU-da Fulgencio Garrido Ruiz kana koobnaa safiirada dalalka (UK, Denmark, Sweden, Norway, Finland, Swizerland Iyo Madaxa Xafiiska Hargeysa ee UK)  ayay labada dhinac ka wada hadleen  Mawduucyo dhawra oo ay ka mid tahay  qabsoomida doorashada , saami qaybsiga kuraasta gobolada, xeerarka doorashooyinka iyo kootada dumarka.

Gudoomiyaha Golaha wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa weftiga u xaqiijiyey ka go’naanshahooda in doorashada golaha wakiiladu ku qabsoonto waqtigii loo mudeeyey diyaaarna ay u yihiin inay kuraasta baneeyaan.

Sidoo kale gudoomiyaha golaha wakiiladu wuxuu weftiga u sheegay inay diyaar u yihiin inay ansixiyaan xeerarka doorashada balse arinta keliya ee ay u cadilan tahay ay tahay Saami qaybsiga kuraasta Gobolada oo aanay suurto gal ahayn in ay xildhibaanadu jaaan gooyaan maadaama xildhibaan waliba deegaan ka soo jeedo oo qadiyadaasi tahay mid u baahan wadatashi qaran.

Kulankan oo ay ka hadleen safiiro dhawr ahi ayay dhamaantood shir gudoonka uga mahadnaqeen sida ay uga go’an tahay qabsoomida doorashadu muhiimad gaaar ahna ay arintaas siinayaan weftigoodu.

Gebagebadii kulanka ayaa ku dhamaaday is-faham buuxa  oo labada dhinac ah.

Suleymaan Cabdisitaar Dubad
Agaasimaha Warbaahinta iyo xidhiidhka Dadweynaha ee Golaha Wakiilada JSL

Golaha Wakiilada JSL oo Maanta Ansixiyey Xeerka Xawaalada dalka iyo Liiska sidii ay ugu kala Codeeyeen Mudanayaashu

Hargeysa (SL-parliament) fadhigii 14aad ee Golaha wakiilada jsl oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha Golaha Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa saaka QODOB qodob ugu codeeyey xeerka Xawaaladaha Dalka.

xeerkan oo mudanayaashu ay usbuucii hore dood adag ka yeesheen isla markaana wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyey wax ka bedelkaas oo lagu saleeyey doodii mudanayaasha iyo sidii ay soo jeediyeen in xeerka laga dhigo.

Halkan Hoose ka Daawo Sidii loogu codeeyey

Halkan ka eeg sidii mudanayaashu markii ugu danbaysay ay xeerka oo isku dhan ugu codeeyeeen mudanayaasha diiday kuwa ka aamusay iyo kuwa Ogolaaday in la ansixiyo.

Xeerka/Arrinta loo codeeyay: Xeerka Xawaaladdaha Somaliland Xeer Lr. 86/2019  

Kal-fadhigii: 39aad                   Fadhigiisa: 14aadTaariikhda: 01/04/2019                                       

No Magaca Vote
Ogol DiidayAamusay
1.Gudoomiyaha Md. Baashe Maxamed Faarax ü
2.Gud. X. 1aad Md.  Axmedyaasiin Sh. Cali Ayaanle  ü
3.Gud. X. 2aad Md.  Dr.  Cali Yuusuf Axmed
4.Md. Abokor C/raxmaan Goodü
5.Md. Dr.Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe)ü
6.Md. Axmed Ducaale Bulaaleü
7.Md. Axmed Max’ed Diiriye (Nacnac)ü
8.Md. Saleebaan Cawad Cali (Bukhari)ü
9.Md. C/raxmaan Yuusuf Cartanü
10.Md. Cali Max’ed Aadan (Calibarre)ü
11.Md. Max’ed Baaruud Shide(Qamac)ü
12.Md. Max’ed Cismaan Max’ed (Bulqaas)ü
13.Md. Cumar Axmed Saleebaan(Sanweyne)ü
14.Md. C/laahi Ismaciil Faarax
15.Md. Xuseen Axmed Caydiid
16.Md. Ibraahim Axmed Reygal
17.Md. Ibraahim Jaamac Cali (Reyte)ü
18.Md. Siciid cilmi Rooble
19.Md. Max’ed X.Yusuf Axmed (Wabeyo)
20.Md. Max’ed X.Max’uud Cumar Xaashi
21.Md. Max’ed Xuseen Xaaji Ciiseü
22.Md. Max’ed Jamac Cabdi
23.Md. Max’ed Cali Xirsiü
24.Md. Prof.Max’ed Cumar  Aadan Jiir
25.Md. Mahdi Xuseen Cadarü
26.Md. Max’uud Axmed Obsiiyeü
27.Md. Aadan Xaaji Diiriye Dirirü
28.Md. Aadan Muxumed Hoori (Matan)
29.Md. Axmed Barkhad Obsiiye
30.Md. Axmed Xasan Adan (Weysa cade)ü
31.Md. Axmed Max’ed Nuurü
32.Md. Baar Siciid Xaaji Faaraxü
33.Md. C/raxman Muuse Jamac
34.Md. C/casiis Ismaacil Ducaaleü
35.Md. C/kariim Aw Cali Shabeel
36.Md. C/qaadir X. Ismaciil jirde
37.Md. C/qaadir Jamac Xamuud
38.Md. C/raxmaan Max’ed Jamac (A-xoog)ü
39.Md. Cali Obsiye Diiriye (Cali Gebiley)
40.Md. Cali X.Max’ed Muuseü
41.Md. Cali Sh.Ibraahim Aareeye
42.Md. Farxan Max’ed Caliü
43.Md. Xasan Xuseen Shideü
44.Md. Xuseen Ismaacil Yuusufü
45.Md. Maxamed Jaamac Cabdi (Gaaxnuug)ü
46.Md. Max’ed Axmed Max’ed (Dhakool)ü
47.Md. Max’uud Dhunkaal Guutaale
48.Md. Axmed Maxamed Caateeye
49.Md. Max’ed Saalax Cige
50.Md. Max’uud Jaamac X.Cilmi (Dable)
51.Md. Siciid Cartan Cisman
52.Md. Cabdi Maxmed Jaamac (Gaagaale)ü
53.Md. Bashiir Sh.Xuseen Tukaaleü
54.Md. Saleebaan Diiriye Barreü
55.Md. C/raxmaan Cismaan Caalinü
56.Md. Xaashi Xuseen Caabi
57.Md. Faraax Max’uud Cabdulleü
58.Md. Jaamac Xasan Aadan
59.Md. Mahdi C/laahi Max’uudü
60.Md. Ibraahim Mahdi Buubaaü
61.Md. Xuseen Maxamed Cigeü
62.Md. Max’ed Faarax Qabile
63.Md. Max’ed Jamac Caliü
64.Md. Muuse Max’ed Ismacil (Hoos u jeed)ü
65.Md. Naasir X. Cali Shire
66.Md. Siciid Maxamed Cilmiü
67.Md. Ibraahim Caraale Cabdi
68.Md. Dr. Maxamed Axmed Cabdi (Carabayto)ü
69.Md. C/laahi  Axmed Yuusuf (Madar)
70.Md. C/laahi Xuseen Cige (Blacky)
71.Md. Siciid Warsame Ismaaciil
72.Md. Wali Axmed Xaawoü
73.Md. Axmed Faarax Joojü
74.Md. C/qaadir Jibril Tukaale
75.Md. Cabdi Hiirad Warfaa Faahiyeü
76.Md. Maxam’ud J. Warfaa
77.Md. Xasan Muuse Hufaneü
78.Md. Xaamud Cisman Cigaalü
79.Md. C/raxman Maxamed Jaamac
80.Md. Maxamuud Ismaaciil Xasanü
81.Md. Axmed Cabdi Kaahin
82.Md. Yuusuf Liibaan Cumarü
Xildhibaanada Golaha ee joogay 47ogolaadaydiidayabstainedTotal
Tirada Codadka 3556 + Gudomiyaha oo aan codayn47

Daawo: Gudida Shuruucda, Garsoorka iyo xuquuqal iinsaanka oo wax ka bedel ku sameeyey Xeerka Nidaamka Garsoorka Dalka

0

Gudoomiyaha Gudida Shuruucda, Garsoorka iyo xuquuqul Iinsaanka ee Golaha Wakiilada JSL Mudane Siciid Cilmi Rooble ayaa Golaha uga  Warbixiyey Wax ka bedel iyo Kaabis ay ku soo sameeyeen Xeerka Nidaamka Garsoorka Dalka

Halkan Ka Daawo Warbixintaas oo dhamaystiran

Daawo: Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo Maanta si adag uga dooday Xeerka Xawaaladaha Dalka

Hargeysa(SL-Parliament) Sabti 30 March 2019 Halkan Hoose ka Daawo Xildhibaanada Golaha Oo Saaka si adag uga dooday Xeerka Xawaaladaha Somaliland

Golaha Deegaanka Degmada Burco oo kulan la yeeshay Gudoomiyaha Golahaa wakiilada

Hargeysa (Golaa Wakiilada) Isniin 25 March 2019 waxa maanta Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Mudane Baashe Maxamed Faarax kulan balaadhan la qaatay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Burco oo uu gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Burco ahna Duqa magaalada Burco Mudane Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan (Muraad) iyo 16 xildhibaan oo ka tirsan golahaas.

Shirka waxa Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ku wehelinayay Gudoomiyaha Gudi hoosaadka Arimaha Gudaha Cabdilaahi Xuseen Cige (Balaaki) Xoghayaha Guud ee Golaha Mudane Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, Gudoomiyaha Gudi Hoosaadka Deegaanka iyo khayraadka Dabiiciga ah Mudane Maxamed X Yuusuf (Waabeeyo) iyo xildhibaan Saleebaan Diiriye Bare oo ka tirsan Gudi hoosaadka Dabagalka Hantida Qaranka.

Golaha Deegaanka ee Degmada Burco ayaa Golaha Wakiilada u soo gudbiyey talo bixin ku saabsan Xeerka Ismaamulka gobolada iyo degmooyinka Xeer Lr. 23/2001 iyo Xeerka midaynta Cashuuraha Xeer Lr.12/2000. Nuxurka qoraalka ay u soo gudbiyeen golaha ayaa wuxuu ahaa in Goluhu hoos u eego Maamul daadejintii dastuurku sameeyey iyo adeegyada bulshada ee golayaaasha Deegaanka dastuurka iyo xeer Lr.23 siiyey inaan Dawlada dhexe shuruuc kale ku sharciyaysanin, sidoo kalena waxay talo bixin ka geysteen Xeerka Midaynta cashuuraha oo ay sheegeen in 10%ka Kastamada iyo 12.5 ka Kabka dawladaha hoose inta la mideeyo in degmooyinka dalka si siman loogu qaybiyo.

Mayorka iyo xildhibaanadii madasha saaka ka hadlay ayaa ka cawday iin Xoolaaha oo Burco khayraad u ah aanay ka helin wixii ay xaqa u lahaayeen oo ay ka qatan yihiin.

Gudoomiyaha Golaaha wakiilada JSL Baashe M Faarax ayaa golaha Deegaanka Burco uga mahadnaqay sida asluubaysan ee sharciga ah ee ay gartooda u akhristeen goluhu isla markaana aanay marnaba ka gole ahaan aqbalaynin in dastuurka sharci ka hor imanayaa uu golohooda dhaafo isla markaana xaqa iyo xuquuqda golayaasha deegaanku leeyihiin ay ka shaqaynayaan sidii ay u heli lahaayeen.

Bahda Warbaahinta Golaha Wakiilada Hargeysa Somaliland

Halkan Ka Daawo Khudbad Sanadeedkii Madaxweynaha JSL

0

Halkan Ka Daawo Khudbada

Halkan Ka akhriso iyadoo qoraal ah

Khudbad Sanadeedka 2019 ee Madaxweynaja JSL.

Mudanayaal,

Maanta oo ay Xukuumaddu xilka haysay sannad, saddex bilood iyo maalmo, waxaan ku faraxsanahay in aan idinla wadaago xaaladda guud ee dalka, wixii innoo qabsoomay, iyada oo halbeegeenu yahay qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP II) iyo Barnaamijkii Xisbigu ku galay tartanka doorashada. Waxa kale oo aynu isla eegi doonaa hawlaha inna horyaalla ee mustaqbalka dhaw iyo ka dheerba ah.

Waxaynu ku nool-nahay adduun isbedelka, horumarka iyo aqoontu dheeraynayaan. Isbedelkaasi wuxuu saameyn togan iyo tu tabanba ku leeyahay nolosheena. Wuxuu saameynayaa habka aadmigu u fikiro iyo habka loo adeegsado aqoonta casriga ah. Wuxuu xoojinayaa oo kobcinayaa dhaqaalaha, caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda casriga ah. Isbedelkani wuxuu leeyahay dhinacyo taban, waxaana ka mid, wuxuu abuuraa bulsho ku kala fogaata dhinaca dhaqaalaha, aqoonta iyo dhaqankaba. Tiknoolajiyadda cusubi waxay baabiinaysaa hab-nololeedka inta badan bulshooyinka kala duwan ee adduunka, isla markaana wuxuu keenaa isbeddel cimillo oo horseeda abaaro, duufaano iyo roobab wakhtigoodii seega. 
Arrinkani wuxuu inna farayaa in aynu xoogga saarno ka fikirka mustaqbalka fog.

Guulaha aynu maanta gaadhnay waxaynu ku hannanay; gar-gaar Eebe ka sokow,

– Awooddeena Qaran oo isku duuban,

– Rajadeena oo sarraysa,

– Hanka iyo himilladeena fog,

– Ilaalinta gobonnimadeena,

– iyo ku dhaqanka sharciga dalka.

Mudanayaal,

Adduunku waa tiro sagaal ah oo ma tobnoobo. Guulahaa aynu gaadhnay waxa garab socda dhinacyo wax-ka-qabasho u baahan, in kasta oo aynu dadaalnay, wali waxa innoo qabyo ah:

– Joojinta xaalufinta deegaanka,

– Hoos u dhigga Shaqo la’aanta baahsan ee dhallinyarada, iyada oo la dardargelinayo mashaariicda iyo warshadaha dhismahoodu muddada jiitamayey.

– Ka hortaga Xannafaha ka dhasha doorashooyinka.

– Iyo ka hortaga haggar daamooyinka caddowga Somaliland.

Haddaba, is waydiintu waxay tahay, sidee baynu u waajahaynaa mustqabalkeena? Ma innaga oo isku duuban, isku kalsoon, iskaashanayna oo isku dulqaadanayna? 
mise
innaga oo is khilaafsan, ka hirdamayna gudaheena oo kala xantaysanaya?

Waxay ila tahay, danteenu waxay ku jirtaa innaga oo isku duubnaanna oo xoogga saarna nabadda, horumarka dalkeena oo dhinacyo badan leh iyo u diyaar garowga duruufaha ina horyaal, ee isbedelka cimilladu ka mid tahay.

Xukuumadda aan odayga ka ahay, iyada oo ka duulaysa aragtidaa guud ee mustaqbalka, waxay muddadii ay xilka haysay qaaday tallaabooyinka soo socda:

1. Nabadda

– Waxa la sameeyey wacyigalin ballaadhan oo shacabka lagu dhiirinayo nabad-ku-wada noolaanshaha, si-dhex-galka, iskaashiga iyo ka wada shaqeynta amniga iyo danta guud ee Qaranka.

– Waxa tababarro is daba joog ah la siiyey Ciidammada kala duwan iyo Garsoorka.

– Waxa la kordhiyey daryeelka iyo dhaqaalaha Ciidanka 36%.
– Waxa si xoog leh kor loogu qaaday qalabka iyo saannadda Ciidanka, si ay awood buuxda ugu yeelan karaan sugidda amniga iyo difaaca dalka.

– Waxa la diyaariyey oo Golayaasha horyaalla, Xeerka Xaq-siinta iyo Hawl-gabka Ciidammada Qalabka-sida, si loo sugo xuquuqda iyo daryeelka Ciidanka.

– Sidoo kale, waxa la kordhiyey 35% daryeelka iyo dhaqaalaha bahda Garsoorka, si kor loogu soo qaado haybadda iyo maamuuska ay mudan yihiin bahda Garsoorku.

– Maamul-wanaaggu waa laf-dhabarta hufnaanta maamulka iyo daahfurnaanta dawladda. Si loo hubiyo tirada Hantida Dawladda, waxa la diiwaan-galiyey tiro badan oo ah hanti ma guurto ah oo gaadhaysa 4,268 dhismayaal dawladdu leedahay ah.

– Waxa dib loo qaabeeyey nidaamka iyo daah-furnaanta tartanka qandaraasyada dawladdu bixiso. Ilaa hadda waxa ay dawladdu bixisay 135 qandaraas oo dhammaantood loogu tartamay si daahfuran. Tartamayaashii qandaraasyadu waxay ka marag kaceen xilkasnimada, dhexdhexaadnimada iyo hufnaanta shaqada Xubnaha Guddida Qandaraasyada Qaranka.

– Si loo xoojiyo isku xidhnaanta Dawladda, waxa wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyey Xeerka Is-Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka – Xeer Lambar 23/2002. Xeerkani waxa uu dib u habaynayaa adeegyada ay bixiyaan maamullada Gobollada iyo Degmooyinku. Waxaannu ku waajibinayaa masuuliyad dheeri ah maamulka degmooyinka dalka. Waxa uu tashiilayaa dhaqaalaha Golayaasha Dawladaha Hoose, si loo kordhiyo adeegga gaadhaya muwaadinka cashuur bixiyaha ah.

Mudanayaal,

In kasta oo aynu xagga Amniga ka qaadnay tallaabooyinka kor ku xusan, haddana weli waxa jira hawlo u baahan wax-ka-qabasho:

– Colaadaha iyo xurgufta beelaysan ee ka dhex dhaca bulshooyinka wada dega deegaannada iyo Gobollada dalka.

– Waxaan ku talinayaa in dhammaanteen aynu xoogga isugu gayno sidii loo joojin lahaa xurgufaha beelaysan. Xurgufahani waxay innagu hayaan dhimasho badan, khasaare dhaqaale iyo kala fogaanshaha dadka walaala ah, taas oo keenaysa dib-u-dhac weyn. Ma suurtoobayso in aynu sameyno horumar, caafimaad iyo waxbarasho wanaagsan iyo in aynu maalin walba ku jirno gurmad ciidan iyo gurmad culimo kala joojinaya beelo is dilaya iyo Xukuumad iyo Guurti damin colaadeed ku foogan.

– Shaqo la’aanta dhallinyaradu waxay halis ku tahay amniga dalka. Waxa abuurmay kooxo dhallinyaro ah oo ku kaca fal-dambiyeedyo ay ka mid yihiin isticmaalka mukhaadaraadka, taas oo kordhisay shilalka iyo dambiyadda ka dhaca dalka.

– Xukuumad ahaan waxaannu wadnaa qorshayaal badan oo lagaga hortagayo dambiyada dhallinyaradu ku kacaan, balse waxaannu ku boorinayaa waalidiinta, culimada, aqoonyahanka, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka in aynu ka wada shaqeyno sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhallinyarada.

1.2. Adeegga Bulshada

Mudanayaal,

Xukuumadda waxaynu u dhisannay oo awood fulineed loo siiyey in ay hubiso in muwaadinku helo adeegyada bulshada ee ay ka midka yihiin, cunto, biyo, caafimaad, waxbarasho iyo shaqo abuur.

A. Caafimaadka

Xukuumaddu waxa ay siisay ahmiyad ballaadhan horumarinta caafimaadka iyo dib u qaabeynta adeegga caafimaadka ee ay bixiyaan cusbitaallada dalku. Sannadkii la soo dhaafay ee 2018-kii:

– Waxa dib loo furay ama la dhisay 65 xarumo caafimaad oo cusub oo qabanaya daryeelka hooyooyinka iyo dhallaanka.

– Waxa qalab caafimaad oo kala duwan lagu kordhiyey cusbitaallada magaalooyinka Laascaanood, Ceerigaabo, Burco, Ceel-afweyn, Buuhoodle, Oodweyne, Gabiley, Berbera, Boorama iyo Xarrunta TB ee Hargeysa.

– Waxa cudurrada faafa laga tallaalay 659,000 caruurta da’doodu ka hoosayso 5 jirka oo kala jooga gobollada dalka.
– Dadaalka loogu jiro kor u qaadista adeegga caafimaadku, waxa uu kor u qaaday kalsoonida ay shacabku ku qabaan adeegyadda caafimaad ee ay bixiyaan cusbitaallada dalkeenu. Tiradda dadka isticmaala adeegyadda caafimaad ee dalku waxay korodhay 31%.

– Waxa la curiyey Siyaasadda Guud ee Caafimaadka dalka iyo Siyaasadda Maareynta iyo Maamulka Caafimaadka Dhimirka.

B. Waxbarashada

Xukuumaddu waxay aaminsan tahay in waxbarashadu tahay furaha horumarka iyo iftiinka nolosha. Sidaas darteed, waxaannu xoogga saarnay dib u habeynta iyo tayeynta waxbarashada dalka.

– Waxa 20% la kordhiyey mushaharka iyo gunnada Macallimiinta Dugsiyada Dawladda.

– Waxa markii ugu horraysay la furay Dugsiga Tababarka Macallimiinta Qaranka, si kor loogu qaado tayada Macallimiinta dalka.

– Waxaannu hirgelinay Siyaasadda ah ‘Arday Kastaa ha helo Buugaagta Manhajka waxbarashada.’ Waxaana la qaybiyey 1,200,000 oo buug oo la gaadhsiiyey ardayda gobollada oo tiradoodu dhantahay 154,000 arday.

– Waxa Gobollada dalka laga dhisay 27 dugsi oo cusub, si loo ballaadhiyo fursadaha helitaanka waxbarashada dhallinyaradda.

– Waxa 22% la kordhiyey dugsiyada Reer Guuraaga ee leh barnaamijka Quudinta Carruurta, waxaanay hadda tiradoodu gaadhaysaa 276 dugsi, isla markaana, waxa dib loo dayactiray ama la qalabeeyey 46 dugsi oo ah dugsiyada quudinta.

– Waxaannu gunno iyo mushahar u bilownay macallimiin gaadhaysa 1,354 macallin oo kala jooga Gobollada dalka.

– Waxa deeq-waxbarasho dibadeed loo diray arday gaadhaysa 382 arday oo ka kala yimi dhammaan Gobollada dalka.

C. Biyaha

Biyuhu waa nolosha aadamaha iyo astaanta koowaad ee horumarka, iyada oo taa laga duulayo, waxa dadaal la galiyey ballaadhinta biyo-galinta magaalooyinka iyo biyo gaadhsiinta miyiga.

• Waxa muddo dheer la waday sidii biyo ku filan loogu heli lahaa caasimadda, hawshaasi oo ay innaga kaabayaan dawladdo iyo hay’ado dibadeed, kuna baxday dhaqaale ka badan 60 milyan, hadda wuxuu marayaa qeybtii ugu dambaysay.

• Waxa la dhammaystiray dhuumihii biyaha ka soo qaadayey Xarunta Biyo-soo-saarka Geedeeble ee keenayey magaalada oo dhererkoodu yahay 23KM.

• Waxa la kordhiyey ceelashii biyo-soo-saarka Geedeeble 21%.

• Waxa hadda dhismaheedii iyo qalabeynteedii socotaa Xaruntii Mishiinnada biyo-soo-saarka ee Geedeeble. Kala sarraynta dhulka darteed, waxa loo baahday dab-dhalliyayaal iyo bambooyin awood badan leh oo soo gaadhsiiya biyaha Magaalada Hargeysa.

• Waxa la dhisay 4 kayd biyood oo yar yar, haddana waxa la bilaabay 4 kayd biyood oo waaweyn iyo nidaamkii biyo galinta magaalada oo la dhigi doono magaalada gudaheeda qasabado dhererkoodu gaadhayaan 162 KM.

• Waxa kale oo la dhisi doonaa ama dayactir lagu sameyn doonaa 503 Kaalmood oo ay biyaha ka dhaansan doonaan xaafadaha dan-yarta ee Hargeysa.

• Iyada oo laga duulayo tirada dadweynaha Caasimada ee sii kordhaya, waxa qorshaysan in 42% la kordhiyo biyo-soo-saarka labada sanno ee soo socda.

• Mudanayaal, qorshaha biyaha Hargeysa maaha ‘Faannoole fari kama qodna’, balse waxaynu ku tiirsannahay taageero dibadeed oo dhibteeda iyo jiitankeeda leh. Waa hubaal in Qaranku haysto dhaqaale ku filan biyaha Magaalada Hargeysa, laakiin waxaynu u baahanahay in Ilaahay inna garan siiyo awooddeena.

• Waxa laga qoday gobollada dalka 27 Ceel oo dhaadheer iyo 80 ballay sannadkii tagay, si loo xoojiyo biyo gaadhsiinta deegaannada miyiga ah.

• Waxa war-war leh biyo yaraanta magaalooyinka waaweyn, oo shacabka ku nooli sii kordhayo. Waxaan faray Wasaaradda Horumarinta Biyaha in laga sameeyo magaalooyinkaas biyo-sahamin ballaadhan, si loogu helo biyo ku filan.

D. Dhallinyarada iyo shaqo abuurka

Dhismaha mustaqbalka dhallinyaradu, waa dhismaha mustqabalka iyo quruxda Qarankeena. Xukuumaddu iyada oo ogsoon muhiimadda dhismaha dhallinyaradu u leeyahay Qaranka:

– Waxa la abuuray Barnaamijka Shaqo-abuurka dhallinyarada ee Shaqo Qaran. Waa barnaamij shaqo u abuuraya 1,500 oo dhallinyaro ah oo ka soo gala jeeda dhammaan gobollada dalka. Dhallinyaradaas waxa ka mid ah 500 oo hablood. Waa barnaamij ujeeddadiisu tahay is-dhex-galka dhallinyarada, dhismaha waddan-jacaylka, akhlaaqiyaadka wanaagsan ee shaqada iyo difaaca madaniga ah ee dalka.

– Waa barnaamij loogu talo-galay in dhallinyarada quluubtooda lagaga sifeeyo qabyaaladda iyo gobolaysiga, una diyaarino in ay hagaan Somaliland mid ah, kuna shaqeeyaan garaad aaminsan Sinnaan iyo Qaranimo.

– Waxa kale oo dhallinyarada fursad loo siiyay iyaga oo gobolkooda jooga in ay si xor ah ugu tartamaan 300 oo shaqo oo cusub oo ay Dawladdu baahisay, 90 ka mid ah dhallinyaradaa shaqada heshay waa hablo.

– Tirada guud ee dhallinyarada shaqo abuurka Xukuumaddu u sameysay waa 1,800 oo dhallinyaro ah. Waxaan dareensanahay in ay tahay tiro aad u yar marka loo eego tirada guud ee dhallinyarada dalka, waxase i farxad gelinaysa in ay shaqo galeen, iyaga oo aanay cidna gacan qaban, balse kartidooda iyo aqoontooda aaminay iyo yuhuunta wanaagsan ee ay abuurtay tallaabadaasi.

– Mudanayaal, far keliyi fool ma dhaqdo, barnaamijkan oo miisaankiisa iyo muhiimaddiisa u leh Qaranka, wuxuu ku kaliyeystay ilaa hadda Xukuumadda. Waxaan ku talinayaa in Qaranku ka wada qeyb qaato shaqo gelinta dhallinyarada iyo socodsiinta barnaamijka Shaqo Qaran.
1.3. Dhaqaalaha

Dhaqaaluhu waa saldhiga horumarka ee dal kasta oo dunida ku yaal. Dhaqaale la’aan horumar lama gaadho. Haddaba, iyadoo taas laga duulayo, waxay xukuumaddu u tafaxaydatay sidii dhaqaaalaha dalka loo kobcin lahaa innagoo isku tashanayna. Waxay xukuumaddu xoog saartay wax-soo-saarka Beeraha, Xoolaha, Kalluumaysiga iyo Khayraadka dhulka hoostiisa ku duuggan.

A. Beeraha

Dhanka beeraha waxa la xoojiyey beeridda dalagyada kala duwan ee banka Wajaale, Beer iyo Xaaxi. Si loo dhiirrigaliyo wax-soo-saarka beeraha, loona beegsado isku filnaansho dhinaca wax-soo-saarka ah mustaqbalka:

• Waxa la beeray 2,300 Hector oo ku kala yaalla Xaaxi, Beer iyo Wajaale.

• Waxa la siiyey cagafyo ay beeraha ku qotaan deegaannada Gatiitalay iyo Oodweyne.

• Waxaan bogaadinayaa shacab weynaha u jeestay, dadaalkana geliyey wax-soo-saarka beeraha. Sannadkan gobollada dalka oo dhan waxa laga hirgeliyey beero cusub oo qaarkood u shaqeeyaan hab casri ah (Green House).

• Waxaan sidoo kale ammaanayaa in sannadkan beeralayda dalkeenu soo saareen khudrad aad u badan oo ugu yaraan 70% ku filan baahida suuqa khudaarta ee dalka.

B. Xoolaha

Xooluhu waa laf-dhabarta dhaqaalaha dalkeena, in badan oo dadkeena ahina waxay noloshoodu ku tiirsan tahay xoolaha nool.

– Haddaba, si loo daryeelo caafimaadka xoolaheena, waxa la talaalay 3 milyan oo neef oo ay ka faa’iidaysteen qoysas badan. Sidoo kale, waxa xannuuno kala duwan laga daaweeyey in ka badan 2 milyan oo neef oo kala jooga Gobollada dalkeena.

– Waxa lagu dadaalay sidii xoolaha dalkeena loogu heli lahaa suuqyo dibadeed, si loo dhiirrigeliyo dhoofka xoolaha. In kasta oo dedaalkaasi aannu weli midho-dhalin, haddana, xukuumaddu ka daali mayso in ay ka jibbo keento arrintaa.

– Xukuumaddu waxay dadaal xoog leh gelisay sidii loo suurtagalin lahaa in xooluhu helaan seerayaal iyo dhul daaqeen ay ku bad-baadaan xilliyada abaaraha iyo baad yaraanta.

C. Kalluumaysiga

Kalluunku waa khayraad sidii la rabay aynaan uga faa’iidaysan, waxaase hadda socda qorshayaal ay Xukuumaddu ku dhiirrigelinayso in kalluunku ka helo saami wanaagsan suuqyada dalkeena iyo kuwa jaarkaba, lana taageero ganacsatada ku hawlan kalluumaysiga.

• Waxa loo qaybiyey qaboojiyayaal oo waaweyn Magaalooyinka Maydh, Laas-qoray, Bulla-xaar, Berbera, Saylac iyo Burco. Arrintani waxay wax ka tartay wax soo saarka iyo dabashada kalluunka. Sidaa awgeed, xaddiga kalluunkii la soo dabtay sannadkii tagay wuxuu kor ugu kacay 2,000 tan.

E. Maamulka Suuqa Sarifka Lacagaha

Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Baanka Dhexe iyo Suuqa Sarrifka Lacagaha oo iskaashanaya, una adeegaya danta Qaranka waxa ay awood u yeesheen in ay sicir-bararka hoos uga soo dhigaan 19.2%, gaadhsiiyaana 7.7%.

Waxa sidoo kale la suurtageliyey in qiimaha sarrifka Shillin ka Somaliland uu kor u kaco 15%. Kor-u-kacani waxa uu daganaansho lacageed galiyey suuqyada lacagaha ee dalkeena.

1.4. Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha

Mudanayaal,

Kaabayaasha dhaqaalaha, sida Waddooyinka, Dekadaha iyo Garoomada diyaaraduhu, waxay qeyb weyn ka qaataan horumarka iyo koboca dhaqaalaha dalka. Sidaa darteed, Xukuumaddu waxay muhiimad gaar ah siisay horumarinta iyo casriyeynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

• Waxa la bixiyey qandaraaskii shirkaddii dhisi lahayd Dekedda, waxaanna la bilaabay dhismihii ballaadhinta iyo casriyenta Dekedda weyn ee Berbera.

• Waxa bilaabmay dhismaha jidka hal-bowlaha u ah ganacsiga innaga dhexeeya dalalka aynu jaarka nahay, gaar ahaan Ethiopia ee Berbera Corridor. Waxa mudnaanta la siiyey dhismayaasha biriishyada, waxaana la dhagax-dhigay biriishkii ugu horreeyey oo ah Dacar-budhuq. Dhismaha jidkaasi waxa uu qaadan doonaa muddo laba sanno ah. Waa jid weyn oo aannu hiigsanayno in uu kaalin muhiim ah ka qaato is-dhex-galka dhaqaale iyo bulsho ee Gobolka Geeska Afrika.

• Waxa la dhisay muddadii sannadka ahayd 66 KM oo ka mid ah Waddada Ceerigaabo.

• Waxa dayactir lagu sameeyey 80 KM oo ka mid ah waddooyinka isku xidha Hargeysa iyo Burco, Hargeysa iyo Kala-baydh, Laascaanood iyo Tukaraq;

• Waxa hadda dhismihiisa la wadaa 60 KM oo ah waddada isku xidha Hargeysa iyo Kalabaydh.

• Waxa dib loo dayac-tiray Biriishyada kala ah Xamaas, Geel-lookor iyo biriishka dooxa Cabaad-weyne.

• Waxa dhismihiisu socdaa Biriishka isku xidha Magaalada Boorama iyo Jaamacadda caanka ah ee Camuud.

• Waxa la casriyeeyey nidaamka waddo marista gaadiidka, nidaamka qaadashada liisamada iyo taarikada gaadiidka intaba.

1.5. Abaaraha iyo Isbedelka Cimillada

Isbeddelka Cimillada adduunku waa xaqiiqo raadkeedu ka muuqdo dalkeena. Waxa markhaati u ah abaaraha ku soo noq-noqday dalkeena iyo roob yaraanta. Arrintaasi waxay saameyn ku yeelatay hab nololeedkii dadka, duunyada iyo deegaanka.

– Xukuumaddu waxa ay gurmad ka gashay dhibaatooyinkii ay keeneen duufaantii Sagar iyo raadadkii ay reebeen abaaruhu.

– Xukuumaddu waxay raashin iyo biyo gaadhsiisay in ka badan 245,000 qoys, una dhiganta 1,200,000 oo qof oo abaaruhu saameeyeen.

– Xukuumadda oo kaashanaysa Beesha Caalamka, waxa ay sidoo kale gaadhsiisay gar-gaar 431,000 qoys, una dhiganta in ka badan 2,000,000 oo qof. Gargaarkaas oo lacag ahaan u dhigma 20 milyan oo doollar.

– Dadkii ku caydhoobay duufaantii Sagar, Xukuumaddu waxay gaadhsiisay 9,000 neef oo adhi ah.

– Waxa dib u xoolayn loo sameeyey 1,337 qoys oo ku caydhoobay abaarihii ka dhacay Dalka.

– Sidoo kale, Xukuumaddu iyada oo ka hortagaysa nabaad-guurka iyo xaalufka deegaanka, waxay bilowday mashruuca dhir beerista, waxaanay sannadkii tagay beertay 25,000 geed, waxaanay 15 April ee sannad kasta u astaysay in ay noqoto maalinta Xuska Deegaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

– Waxaan ku boorinaynaa, si aynu u hakino xawliga xaalufka iyo nabaad guurku ku socdo, in gobol kastaa ugu yaraan beero 30,000 geed.

Cimillada adduunka ee isbeddelaysa, abaaraha iyo roob yaraantu waa dhibaato ka awood badan bani’aadamka. Waxa maanta dalkeena u baahan gar-gaar deg-deg ah in ka badan 1.5 Milyan qof.

– Sidaas darteed, waxaan ugu baaqayaa Qaranka Somaliland, Dawlad iyo shacabba in aynu isku tashanno, una gurmanno dadkeena dhibaatadu hayso.

1.6. Doorashooyinka

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, Dastuurkeenu waxa uu inna farayaa in shantii sannaba mar la doorto Golayaasha Qaranka – Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-igeenka, Golayaasha Sharci-dejinta iyo Golayaasha Deegaanka. Sidaa darteed, xukuumaddu waxay u hogaansan tahay sida uu farayo Dastuurka Qaranku.

1.7. Siyaasada Arrimaha Dibada

Walaalayaal,

Siyaasadda Arrimaha Dibeddu waxay ku dhisan tahay nabad-gelyo, daris-wanaag iyo iskaashi dhex-mara dalalka Gobolka iyo Caalamka, intaba.

Si aynu u adkayno seeska iyo xaqiijinta siyaasaddaas, waxa bud-dhig u ah saddex tiir oo kala ah:

1) Ictiraaf-raadinta.

2) Kasbashada taageero dhaqaale oo caalami ah oo loo helo dib-u-dhiska dalka.

3) Iskaashiga, is-qadarinta iyo nabad-ku-wada noolaanshaha dalalka dariska ah iyo guud ahaan caalamka.

1. Ictiraaf raadinta.

Waxaannu xidhiidho badan la sameynay dalalka caalamka, kuwa innala saaxiibka ah, kuwa ka soo horjeeda qaddiyaddeena iyo kuwa labadaa dhexdooda taagan intaba. Waxaannu kulamo hawleedyo muhiim ah la yeelanay aqoon-yahanno, siyaasiyiin iyo diblumaasiyiin caalami ah oo taageera Somaliland, kuwaas oo keenay qoraallo muhiim ah iyo talooyin dhaxal gal ah.

Waxaynu taageero diblumaasiyadeed ka helnay dalalka aynu saaxiibka nahay. Waxay ku qanciyeen badiba dalalka caalamka ugu tunka weyn leh in Somaliland taagan tahay wakhtigii Bulshada Caalamku dhexgeli lahayd dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Dawladda Turkiga ayaanu in badan wada hadalnay, iyada oo doonaysa in ay kalideed inna dhex-dhexaadiso innaga iyo Somalia. Hase yeeshee, annaga oo dareensan 7 sanno oo Turkigu arrintaa ku jiray in aanay wax midho ah dhallin, waxaannu ku talinnay in arrinta wada-hadalku ay noqoto mid ay goob-joog ka wada noqdaan dhammaan dawladaha iyo urrurada caalamiga ah ee arrinta wada-hadalka u diyaarka ah.

Waxa si toos ah noola soo xidhiidhay dawladaha Sweden iyo Switzerland oo mid walba gaarkeeda diyaar ugu tahay in arrinta wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya ay marti-geliso. Somaliland way aqbashay labadaa marti-qaadba.

Waxa muuqata in caalamka badankiisu garwaaqsaday in la joogo wakhtigii la kala guri lahaa Somaliland iyo Soomaaliya. Annagu Xukuumad ahaan waxaannu qaadanay siyaasadda ah in mushkiladda loo galo si nabad ah oo lagu dhammeeyo wada- hadal iyo nabad-gelyo. Mar walba waxaannu ka fogaanaynaa wixii keeni kara xasarad iyo colaado hor-leh, maadaama Somaliland ay waayo-arag u tahay riiqda colaadaha.

Siyaasaddaasi nabadeed ee aynu qaadanay waxay keentay in wufuud caalami ah oo badani innoo yimaadaan oo arrintaa ku hawlani. Sidoo kale, aynu martiqaadyo ka helnay dawladaha aynu saaxiibka nahay.

2. Kasbashada taageero dhaqaale oo caalami ah oo loo helo dib u dhiska
Dalka.

Iyada oo la kaashanayo Bulshada Caalamka iyo Saaxiibada Somaliland taageera, waxa suurtagashay in Somaliland hesho taageero dhaqaale oo gaadhaysa ilaa 150 milyan oo doolar, oo loogu talo-galay horumarinta jidadka iyo mashaariicda horumarka ee uu fuliyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland shanta sanno ee socda.

Waxaannu qorshaynaynaa in Somaliland iyo Qaramada Midoobay yeeshaan nidaam iyo Qorshe u gaar ah Somaliland, oo ay Somaliland ku hesho saamiga saxda ah ee Deeqaha ay bixiso Qaramada Midoobay (Somaliland UN Special Arrangement), sida Bulshada Caalamkuba hore ugu sameysay Somaliland qorshaha gaar ah ee (Somaliland Special Arrangement). Qaramada Midoobayna waxaan ugu baaqayaa in ay ilaaliyaan xaq-soorka iyo caddaaladda saamiga gar-gaarka ay bixiyaan.

3. Iskaashiga, is-qadarinta iyo nabad-ku-wada noolaanshaha dalalka dariska ah iyo guud ahaan caalamka.

Soomaaliya waxaynu xad ka leenahay maamul-goboleedka Puntland. Waxaannu u haynaa walaalnimo, iskaashi iyo nabad-gelyo. Waxaase maalmahan dambe soo kordhaya ciidamo maamulkaasi ah oo ka soo gudbaya Xadka inoo dhexeeya, falal nabad-gelyo darro ahna ka sameynaya gudaha Somaliland. Soomaaliya waxaannu ugu baaqaynaa in ay ka fogaadaan wixii nabad-gelyada iyo xasilloonida Gobolka wax yeelaya. Waxaannu ka digaynaa haddii waanadayada la weelayn waayo, in Dawladda Somaliland ay waajib ku tahay in ay ilaaliso nabadda iyo hantida muwaadiniinta Somaliland.

Somaliland waxay diyaar u tahay in ay door weyn ka ciyaarto isbeddelka dhaqan-dhaqaale, ganacsi iyo bulsho ee ka socda Geeska Afrika. Hase yeeshee, Jamhuuriyadda Somaliland waa Qaran madax-bannaan oo weligii jiray, haddana jooga, kana jiri doona Gobolka Geeska Afrika iyo Caalamkaba. Waa Qaran ku leh qeybtiisa iyo miisaankiisa isbeddelka ka socda Gobolka Geeska Afrika. Cidda Somaliland iska indha-tirtaa, waxay xagal-daacinaysaa isbeddelka iyo horumarka uu beegsanayo Geeska Afrika, waxaanay si taban u saameyn doontaa horumarka iyo iskaashiga Gobolka.

Geba-gabo

Mudanayaal,

Waxaynu nahay Qaran madaxbannaan oo leh dastuur shacabku u codeeyey, golayaasha Qaranna ku soo doorta cod shacbi (Qof iyo Hal Cod). Waa dimuqraadiyad dhif iyo naadir ku ah Afrika iyo in badan oo adduunka ah.

Shacabka Somaliland waxaan ugu baaqayaa in ay u midoobaan danta Qaranka, ku fara adaygaan nabadgelyada, u dadaalaan horumarka, ka fekeraan mustaqbalka fog iyo aayaha ubadkooda, dariska iyo caalamkana kula noolaadaan nabad iyo iskaashi.

Allaa Mahad Leh