Home Blog Page 11

Shirgudoonka Golaha Wakiilada JSL oo kulan la yeeshay Wefti uu hogaaminayo Safiirka EU-da u qaabilsan Somaliland/Somalia

0

Shir-gudoonka Golaha Wakiilada JSL Oo Maanta 20 July 2019 kulan la yeeshay Safiirka Cusub Ee Midawga Yurub U Qaabilsan Dalalka Somaliland Iyo Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martínez oo uu wehelinayay Safiirka Jarmalka Ambassador Annett Günther

Labada safiir iyo gudoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa ka wada hadlay arimaha dooraahooyinka soo socda iyo sidii loo dardar gelin lahaa Goluhuna doorkiisa u qaadan lahaa, sidoo kale waxa kulanka layskula soo qaaday barnaamijyada horumarineed iyo mashaariicda ay dalka ka wadaan Jarmalka iyo midowga Yurub.

Gudoomiyaha ayaa uga mahadnaqay safiirada mashaariicda ay dalalkoodu ka wadaan Somaliland isla markaana ku booriyey inay sii wadaan.

Halkan Hoose ka Daawo

Shirgudoonka oo Kulan la qaatay Wefti Qaramada Midoobay ka socda

0

Hargeysa (SL-Parliament) July 18 2019 Shirgudoonka Golaha wakiilada JSL ayaa kulan maanta la yeeshay wefti  Qaramada Midoobay ka socday oo u kuur gelayay  Xaalada Xuquuqal Iinsaanka dalka

Kulankan laba geesoodka ahaa ayaa waxa ka qayb galay Gudoomiyaha Golaha wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax, Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha wakiilada Mudane Axmed-Yaasiin Sh. Ali Ayaanle, Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada mudane Cabdirisaaq siciid Ayaanle iyo dhinaca weftiga oo uu Hogaaminayay Bahame Tom M. Nyanduga oo ah Khabiir Madax banaan oo UN ah, Sia Mawalla UNSOM, ALICE  Ngezahayv UNSOM, Marianick koffi OCHA iyo Axmed Cismaan Jaamac  UNSOM. Sidoo kale waxa ku wehelinayay Lataliyaha sharci ee golaha Cabdiraxmaan Hirad Jaamac iyo lataliye Cabdirisaaq Ibrahim Maxamed

Weftigan ayay ujeedadiisu ahayd xuquuqal iinsaanka dalka iyo xeerarka khuseeya ee Golahuhu gacanta ku hayo iyo sidii loo dardar gelin lahaa

Gudoomiyaha Golaha wakiilada ayaa weftiga u sharaxay  xaalada guud ahaan dalka nidaamka dimuqraadiga ah iyo heerka xuquuqal iinsaanka  Somaliland, waxa uu sidoo kale si gaara uga waramay xeerarka arintan khuseeya ee golaha  yaala kuwa goluhu ansixiyey iyo kuwa aan xukuumadu weli  u soo gudbinin, xeerarkan oo ay ka mid yihiin, Xeerka Saxaafada, xeerka FGM-ka,  Xeerka Kufsiga iyo  Xeerka Booliiska. Gudoomiye Baashe ayaa  si gaara ugu mahad celiyey weftiga booqashadooda dalka.

Weftiga ayaa gudoomiyaha iyo golahaba uga mahadceliyey soo dhawayntooda iyo xogaha faahfaahsan ee ay ka siiyeen waxaanay suaalo ka waydiiyeeen xeerarka qaar  oo gudoomiyaha goluhuna si waafiya ugaga jawaabay.

Weftigan ayaa kulamo la qaadanaya madaxweynaha, Gudoomiyaha Maxkamada sare, Xeer ilaaliyaha Guud, Xisbiyada  iyo komishanka xuquuqal iinsaanka Somailand.

 Bahda warbaahinta Golaha Wakiilada JSL

Hargeysa Somaliland @

Shirgudoonka Golaha Wakiiladda oo UNDP kala wareegey CCTV lagu xidhey Golaha

Tan iyo 2005, markii Golaha Wakiilada ee hadda jooga la soo doortey, Golahu wuxuu sameynayey horumar dhinacyo badan leh, hadday tahay kobcinta dhismaha xarunta GW, kor-uqaadida tayada shaqada, kobcinta aqoonta xildhibaanda iyo aqoonta shaqaalahaba. 

GW oo ku guda jirey hirgalinta strategisadiisii 2aad ee 2017-2022, oo ahaa qorshe shan sanadleh, waxaa ku jirey in amniga xarunta Baarlamaanka kor looqaado (Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida) si loo sugo bad-qabka mudanayaasha, shaqaalaha, iyo martida kale ee soo booqnaysa. 

Hirgalinta CCTV ( kamarooyinka amniga) waxaa iska kaashaday hay’adda UNDP gaar ahaan mushruuca PSP, iyo Golaha Wakiilada oo waxaana fund-ka bixiyey SWISS fund iyo Dawlada Somaliland.

  Kamarooyinka Amniga CCTV waxay qayb laxaad leh ka qaadan doonaan la socodka dhaq-dhaqaaqa guud ahaan xarunta cida ku sugan iyo hareera baarlamaanka si looga hortago khatarkasta oo dhici karta ama loo heli karo tixraac cid wax khaldan samaysa.

Hore waxaa baarlamaanku u tayeeyey qaabka loogalo baarlamaanka oo lagu xidhey qalabka qabta biraha iyo waxyaabaha kale ee mabnuuca ka ah in la’la galo baarlamaanka, waxaana hareera deyrka lagu sameeyey tower lagala socda dhaq-dhaqaaqa hareera iyo guud ahaan xarunta.

Dhamaystirka iyo hirgalinta qalabka kamarooyinka amniga waxaa qaybweyn ka qaatey GW oo bixiyey kala badh qalabka lagu xidhey iyo agabka kale ee loo baahnaa si systemkani u noqdo mid si dhamaystiran u shaqeeyaa.

ugu dambeyn maanta ayey suurto gashey la wareegida qalabka iyada oo uu Gudoomiyaha GW Mudane Baashe Mohamed Farah kala wareegey saraakiil ka socda UNDP, gaar ahaan xafiiska Hargeysa.  waxaa kale oo xaflada la wareegida ku sugnaa, Gudoomiye ku xigeenka GW mudane Ahmed Yasin Sheik Ali Ayanle, xoghaya Guud ee GW Mudane Abdirizak Saed Ayanle, agaasimaha qorsheynta GW Abdinasir Osman Mohamoud, lataliya amniga ee GW Abdirizak Ibrahim. dhanka kale dhinaca UNDP waxaa ka socdey Mrs  Samira Hassan Iyo Mudane Mascuud Abdi. 

Bahda Warbaahinta Golaha Wakiilada JSL

Daawo: Doodii qiimaynta Xaalada Dalka ee Kal-fadhiga 40aad eeGolaha Wakiilada JSL

Bahda warbaahinta ee Golaha Wakiilada JSL

Hargeysa Somaliland

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL wuxuu Bulshada ugu Hambalyeynayaa Ciidal Fitriga.

.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland mudane Baashe Maxamed Faarax wuxuu bulshada Jamhuuriyada Somaliland iyo guud ahaan umadda muslimiinta ugu Hambalyeynayaa curashada munaasibada Ciidal Fitriga.

Waxa uu gudoomiyuhu bulshada Eebe uga baryayaa in uu ka aqbalo acmaashii iyo cibaadadii Saalixa ahayd ee ay mudada soo wadeen waxaanu u rajaynayaa sanadkaas sanadkiisa inuu ku gaadhsiiyo nabadgelyo, caafimaad iyo cibaado Suuban.

Farxad aynu Ku wada ciidno dhamaanteen

Suleyman Cabdisitaar Dubad
Agaasimaha Warbaahinta iyo xidhiidhka Dadweynaha ee Golaha Wakiilada

Golaha Waiilada JSL oo Kulan hawleed wadatashi Laba maalmood ah u qabtay Xeerka Maydhista Lacagaha.

0

Hargeysa 23 May 2019 Golaaha Wakiilada ayaa kulan wadatashi (Public Consultation WorkSHOP)  Laba maalmood socday  u qabtay Xeerkan oo lagu soo martiqaaday daneeyayaasha iyo inta uu saamayn doono dhaqan galkiisu ayaa talooyin dheeraada lagu waydiistay si ay waxtar iyo talo badsi ugu noqoto Xeerka Maydhista lacagaha oo akhriskii 3aad galay hor yaalana gole weynaha.

kulankan ayay goob joog ka ahaayeen badiba xubnaha gudida dhaqaalaha ee Golaha iyo gudoomiyaha gudidaas Mudane Cumar Axmed Saleebaan (Cumar Sanweyne) iyo  xoghayaha guud ee Golaha wakiilada mudane Cabdirisaaq Siciid Ayaane waxa kale oo ka soo qayb galay gudoomiyaha Baanka Dhexe Mudane Cali Ibraaahim (Baqdaadi) Agaasimaha guud ee wasaarada Maalgashiga, Agaasimaha Waaxda Financial Sector-ka ee wasaarada Maaliyada, ku simaha Agaasimaha guud ee Wasaarada Qorshaynta  iyo madaxda xawaaladaha iyo baananka gaarka loo leeyahay.

gudoomiyaha Baanka dhexe Cali Ibraahim iyo Gudomiyaha gudida dhaqaalaha ayaa ka soo qayb galayaashii shirka ka dalbaday in ay si wanaagsan u contribute gareeyaan qodobo dheeraad ah oo xeerkan kaabis loogu sameeyey, isla markaaana u sheegay inay mar labaad uga maarmi waayeen inay bulshada iyo hay’addaha maaliyada talo urursi kale kala sameeyaan.

Gudoomiyaha Gudoida Dhaqaalaha Cumar Sanweyne  Xoghayaha guud ee Golaha Wakiilada Ayaanle iyo Xildhibaan Siciid Maxamed  Cilmi oo gudida dhaqaalaha ka tirsan ayaa faahfaahin ka bixiyey iyo  sharaxaad kooban asbaabta keentay in mar kale bulshada wax laga waydiiyo.

waxaana halkaas qodob qodob iyo nuxurka xeerka ka soo qayb galayaasha ugu sameeyey faahfaahin dheeraada Labada Lataliye ee Dhanka Sharciga ee Golaha wakiilada JSL Mudane Cabdiraxmaan Hirad Jaamac iyo Cabdirisaaq Maxamed Siciid oo soo naaqishay Xeerka.

wadatashigan Bulsheed ee loo qabtay xeerka oo laba maalmood qaatay 22-23 May 2019 ayaa si habsami leh loogu soo xidhay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa

Saleebaan Cabdisitaar Dubad

Agaasimaha Warbaahinta iyo xidhiidhka dadweynaha

Ee Golaha Wakiilada JSL