Shirgudoonka Golaha Wakiiladda oo UNDP kala wareegey CCTV lagu xidhey Golaha

0
112

Tan iyo 2005, markii Golaha Wakiilada ee hadda jooga la soo doortey, Golahu wuxuu sameynayey horumar dhinacyo badan leh, hadday tahay kobcinta dhismaha xarunta GW, kor-uqaadida tayada shaqada, kobcinta aqoonta xildhibaanda iyo aqoonta shaqaalahaba. 

GW oo ku guda jirey hirgalinta strategisadiisii 2aad ee 2017-2022, oo ahaa qorshe shan sanadleh, waxaa ku jirey in amniga xarunta Baarlamaanka kor looqaado (Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida) si loo sugo bad-qabka mudanayaasha, shaqaalaha, iyo martida kale ee soo booqnaysa. 

Hirgalinta CCTV ( kamarooyinka amniga) waxaa iska kaashaday hay’adda UNDP gaar ahaan mushruuca PSP, iyo Golaha Wakiilada oo waxaana fund-ka bixiyey SWISS fund iyo Dawlada Somaliland.

  Kamarooyinka Amniga CCTV waxay qayb laxaad leh ka qaadan doonaan la socodka dhaq-dhaqaaqa guud ahaan xarunta cida ku sugan iyo hareera baarlamaanka si looga hortago khatarkasta oo dhici karta ama loo heli karo tixraac cid wax khaldan samaysa.

Hore waxaa baarlamaanku u tayeeyey qaabka loogalo baarlamaanka oo lagu xidhey qalabka qabta biraha iyo waxyaabaha kale ee mabnuuca ka ah in la’la galo baarlamaanka, waxaana hareera deyrka lagu sameeyey tower lagala socda dhaq-dhaqaaqa hareera iyo guud ahaan xarunta.

Dhamaystirka iyo hirgalinta qalabka kamarooyinka amniga waxaa qaybweyn ka qaatey GW oo bixiyey kala badh qalabka lagu xidhey iyo agabka kale ee loo baahnaa si systemkani u noqdo mid si dhamaystiran u shaqeeyaa.

ugu dambeyn maanta ayey suurto gashey la wareegida qalabka iyada oo uu Gudoomiyaha GW Mudane Baashe Mohamed Farah kala wareegey saraakiil ka socda UNDP, gaar ahaan xafiiska Hargeysa.  waxaa kale oo xaflada la wareegida ku sugnaa, Gudoomiye ku xigeenka GW mudane Ahmed Yasin Sheik Ali Ayanle, xoghaya Guud ee GW Mudane Abdirizak Saed Ayanle, agaasimaha qorsheynta GW Abdinasir Osman Mohamoud, lataliya amniga ee GW Abdirizak Ibrahim. dhanka kale dhinaca UNDP waxaa ka socdey Mrs  Samira Hassan Iyo Mudane Mascuud Abdi. 

Bahda Warbaahinta Golaha Wakiilada JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here