Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo bulshada ku Hambalyeeyey curashada Sanadka cusub ee Miilaadiga 2024

0
94
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL wuxuu Bulshada ugu hambalyeynayaa Curashada Sanadka Cusub ee #2024
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) isagoo ku hadlaya magiciisa, ka shirgudoonka, ka Xildhibaanada iyo shaqaalaha Golaha Wakiilada JSL wuxuu bulshada JSL la wadaagayaa farxada soo dhawaynta Munaasibada bilashada Sanadka cusub ee Miilaadiga ee 2024 oo Caawa bilaw ah.
Gudoomiyuhu wuxuu Bulsho weynta reer Somaliland ilaahay uga baryayaa inuu sanadkan bilanaya uga dhigo sanad khayr qaba, horumar iyo nabadgelyo buuxdana aynu ku naaloono inaga iyo Guud ahaan mandaqada geeska iyo guud ahaan Dunidaba
Rabi sanadkaas sanadkiisa haynagu gaadhsiiyo Guul iyo gobonimo qaranimo iyo mid shakhsiyeedba Insha Allah.
Saleebaan Cabdisitaar Dubad
Agaasimaha Warbaahinta, Tignoolajiyada iyo Xidhiidhka dadweynaha
Ee Golaha Wakiilada JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here