Labadii xubnood ee Komishanka ee xisbiyada mucaaridka oo Codkii kalsoonida waayey

0
104

Sabti 28 March 2020 Golaha wakiilada JSL ayaa Maanta Cod u qaaday Labada Xubnood ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka u meteli lahaa Xisbiyada Mucaaridka ah .

Golaha oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha Golaha mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa Waxa ka soo Xaadiray 51 Xildhibaan. Ayaa waxa ugu horayn Cv-yadooda akhriyey Xoghayaha guud ee golaha wakiilada Md Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

waxaana codkoodu u dhaay sidan

  1. Cabdifatax Ibrahim Hassan Xubintii UCID
    Waxa ogolaaday 29 Xildhibaan waxa Diiday 8 waxa ka aamusay 14 gudoomiyuhuna muu codaynin.
  2. Maxamuud Siciid Dalmar xubintii WADDANI
    Waxa ogolaaday 31 Xildhibaan waxa Diiday 6 waxa ka aamusay 14 gudoomiyuhuna muu codaynin.

Sida uu dhigayo qodobka 11aad ee xeerka Doorashooyinka madaxweynaha iyo golayaasha deegaanka farqadiisa 3aad waa in xubinta komishanka ka midka noqonaysa ay Golaha wakiilada ku ansixiyaan Kala badh iyo hal (Absolute Majority) oo noqonaysa maadaama oo goluhu 80 k kooban yahay 40+1 = 41.

Maadaama aanay helin labada xubnoodba codadkii laga rabay oo ah 41 xildhibaan waxay sidaas ku waayeen xubinimadii Komishanka Doorashooyinka.

Gudida arimaha Gudaha ayaa sidoo kale waxa ay soo jeedisay inaan la ansixinin labada Xubinoodba maadama midna uu ka hor imanayo heshiiskii 3da Xisbi iyo madaxweynaha ka kalena hore u soo ajiibi waayay yeedhistii goluhu u yeedhay isla markaana uu lumiyey dhex dhexaadnimadii Xisbiyada markii uu aqbalay baaqii xisbigiisa taasina ay muujinayso inaanu noqon karin xubin xisbiyada dhex u noqon kara oo kalsoonidooda hanan kara.

Waaxda warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Golqha Wakiilada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here