Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JAmhuuriyada Somaliland mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka Taiwan u jooga Somaliland Ambassador Allen C Lou iyo diplomasiyiinta safaarada Taiwan ee Hargeysa.

Safiirka iyo Gudoomiyaha Golaha ayaa ka wada hadlay Xoojinta xidhiidhka labada dal iyo isku xidhka labada Baarlamaan ee sida xorta ah ee dimuqraadiga ah bulshadoodu u dooratay.
Kulanka oo Saacado badan qaatay ayaa la iskula afgartay qodobo labada dhinac ku wada shaqayn doonaan oo muhiim labada dhinacba u ah.
Bahda Warbaahinta
Golaha Wakiilada JSL

