Golaha wakiilada oo wax ka bedel weyn ku sameeyey Miisaaniyada Qaranka JSL

0
267

Golaha Wakiilada JSL ayaa maanta Wax ka bedel balaadhan ku sameeyey odoroska Miisaaniyada Qaranka JSL. Waxa 10% loo kordhiyey Mushaharka Ciidamada kala duwan ee JSL oo loogu daray 20%kii Dawladu Miisaaniyada ku soo dartay taas oo noqonaysa in 30% mushaharka Ciidanka la kordhiyey.Miisaaniyada Doorashooyinka Ayay Goluhu u kordhiyeen qoondadii markii hore loogu talo galayWaxa sidoo kale sida idiinka muuqata Lifaaqa wax ka bedelka balaadhan ee miisaaniyada lagu sameeyey oo taabanaysa Nolosha Bulshada sida Biyaha, Waxbarashada iyo Caafimaadka.Waana markii ugu horaysay ee Goluhu Lacag intaas leeg (59 Bilyan oo somaliland shiling) ka bedelaan halkii markii hore loo qoondeeyey oo loo leexiyo Meel kale oo uga baahi badan.Gudida dhaqaalaha Ganacsiga iho Maaliyada ee Golaha Wakiilada JSL ayaa Hawshan ku mashquulsanayd 2 todobaad iyo dheeraad aanay saacad qudha ka nasanin

Halkan Hoose kala deg Warbixinta iyo wax ka bedelka Gudida dhaqaaluhu ku samaysay

AMA HALKAN KA DAAWO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here