Home Blog Page 9

Tacsi : Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL oo Tacsi u diray …..

0

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada J. Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax isagoo ku hadlaya magaca shir-gudoonka iyo ka Golaha wakiilaadaba waxa uu Dhanbaal Tacsi Ah Udirey Qoyskii, Qaraabadii, asxaabtii Iyo bulshada reer Somaliland Ee Uu Ka Baxay Marxuum #Maxamuud Siciid Ayaanle, oo maanta ku geeriyooday Dalka Ingiriiska.

Gudoomiyuhu si gaara waxa uu Tacsidan ugu dirayaa Qoyska reer Siciid Ayaanle gaar ahaan Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaq Siciid Ayaanle Oo uu Walalakii ahaa.

Gudoomiyuhu Waxa Uu Ilaahay uga Baryayaa Marxuumka Inuu Naxariistii Jano Ka Waraabiyo, Waxgaradka, Waayeelka, Aqoonyahanka, Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta Iyo Shacbiga Somaliland Ee Uu Ka Baxayna Samir Iyo Iimaan Saadiqa Ka Siiyo.

Inalilaahi Waa Ina Ilayhi Raajicuun .

Saleebaan Cabdisitaar Dubad
Agaasimaha Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee
Golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland

Golaha Wakiilada JSL oo ansixiyey Komishanka Doorashooyinka

0

Xubnaha Golaha Wakiilada JSL ayaa maanta cod u qaaday 6 ka mid ah 7da xubnood ee komishanka doorashooyinku ka kooban yihiin waxaana codkii la qaaday natiijadiisu noqotay sidan hoos ku qoran

Gudoomiyaha Golaha oo kulan la yeeshay wefti diblomaasiyiin madax banaan ah oo dalka yimi

0

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Mudane Baashe Maxamed Faarax iyo gudoomiyaha iyo kuxigeenka Gudi hoosaadka Arimaha debeda iyo iskaashiga caalamiga ah ee golaha ayaa kulan la yeeshay Wefti uu Hogaaminayo Xoghayaha Guud ee urur Diblomaasiyiin madax banaani ku kulmaaan inta badana Gacan ka geysta una ololeeya wadamada aan aqoonsiga haysan.oo maalmahanba dallka Booqosho ku joogay
Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa ku soo gebageboobay isfaham iyo sii dardar gelinta wada shaqayneed ee dalka Somaliland iyo ururkooda

Wefti ka socda midowga Yurub (EU) oo kulan la yeeshay gudoomiyaha Golaha wakiilada iyo gudi qoondada Haweenka loo saaray.

0

Hargeysa (SL-Parliament) Axad 20 October 2019  Gudoomiyaha Golaha wakiilada JSL  Mudane Baasha Maxamed Faarax ayaa Kulan midho dhal ah waxa uu la qaatay Safiirka Komishanka Yurub (EU) u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Ambasador Nicolas Berlanga Martinez oo uu wehelinayay Ambasador Staffan Tillander.

Kulankan ayay labada dhinac kaga wada hadleen Arimaha u diyaar garowga doorashooyinka Aqalka wakiilada iyo golayaasha deegaanka ee fooda inagu soo haya iyo sidii looga wada shaqayn lahaa fududaynta waxyaabaha ku xeeran iyo caqabadaha ilaa hadda Taagan.

Sidoo kale waxay ka wada hadleen arimaha geeska iyo gobolka ka jira iyo sidii looga wada shaqayn lahaa horumarka socdana qayb looga noqon lahaa.

Weftigan ayaa sidoo kale xarunta golaha kulan kale kula yeeshay gudida Aragti  wadaagta kootada Haweenka iyo beelaha laga tirade badan yahay oo uu gudoomiye u yahay Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa waxaanay isku afgarteen sii xoojinta iyo hirgelinta qadiyada Haweenka in loo fududeeyo inay kuraasida baarlamaanka yimaadaan taasna lagu gaadhi karo qoondayn kuraasi loo xidho.

Xildhibaanada aqalka wakiilada oo maanta ansixiyey Ajandaha Kalfadhiga 41aad.

Hargeysa(SL-Parliament) Axad October 14 2019 Fadhigii 3aad ee Kalfadhiga 41aad ee Golaha wakiilada JSL oo uu shirgudoominayay Gudoomiyaha Golaha wakiilada JSL Md Baashe Maxamed Faarax  oo ayaa  cod u qaaday ajandaha kalfadhiga 41aad ee Golaha wakiilada.

Waxaana ogolaaday 41 mudane cidina ma diidin Hal mudane ayaa ka aamusay Gudoomiyuhuna muu codaynin

Xildhibaanada Golaha Wakiilada JSL waxa lagu wargelinayaa ….

0

Mudanayaasha golaha wakiila JSL waxa lagu wargelinayaa Furitaanka Kalfadhiga 41aad ee Golaha,

Warqad wargelin ah oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee Golaha Mudane Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa sidan u dhignayd